Make your own free website on Tripod.com
  Home             Gallery of Photos           Contact Us                                
Fad Galbeed 1978

To listen to this poem whilst reading it please click here:
Fad Galbeed audio

Gabbal-dhaca cadceed-yahay
U sii faano-guratee
Casar gaaban liiqii
Godka weeraraysaa!
Go'e fuley miyaad tahay?
Waa maxay garmaamadu?

Ma googooska sagalkiyo
Gamasyada shucaacaa,
Gaade kaa horreeyiyo
Gurigaad ku hoyan layd
War ku gubay ka soo direy?

Mise gabadhan dhoolkiyo
Gu'goo shaalka xaytiyo
Fad galbeed la moodaa,
Kolkaad gelin is-dhugateen
Guluubkaagii shiikhoo
Dib-u guradku waa baqe?

Mise ganac-jabkaagiyo
Waxaad galabta mudataad
Intay goori goor tahay,
Dayax soo lug-gu'i laa
Sii war-geli is-leedahay?

Gedgeddoonka hirarkee
Iyagoo garaaro leh,
Gaatin-socodka laafyaha
Xarragada u gaarka ah
Goonyahaaga tiiciyo,
Gaardiga daruuraha
Kugu gaaf-wareegee,
Gumucaad ridaysiyo
Goolli-baadh fallaadhaha,
Shafka kaga garaacdee
Isu rogay guduudkee,

Dhiiggooda gobo'liyo
Giirgiirka caadka leh,
Ku sibbaaqday guudkiyo
Gara-saar-dabtoodii
Maxaa maanta gaasirey?
Miyay kugu giriifeen?

Mise waxay ka giigeen
Gobaad haybaddeediyo,
Gantaalaha jacaylkiyo
Kalgacaylka beereey
Indhaheedu ganayaan?

Afartaa siddiri-gam
Waxaan gocanayaa weli,

Tiiyoo gareyskiyo
Marta debec u gunuddoo
Guranaysa hoobaan,
Oo aan geyaankeed
Geesaha ka filanayn,
Dabayshii gadoodee
Uurkayga garatee
Gaadmada ku qaaddee,
Gosha iyo horaadkiyo
Gaaddada u faydiyo,
Garba-duubka maraday
Durba "geb" isku siisiyo,
Gabbashada xishoodka ah
Gorodday lulaysiyo
Ugubnimo-gandoodkii.

Eed Hooyo Laga Galay

Maxammed Xaashi Dhamac (Gaariye), waxuu tiriyey maansadan sannadkii 1978.
waxay tidhi:

Ubucdayda Wadhaneey
adhaxdayda liicdaay,
arinkayga laalmow,
taladaan ilduufaay.
Axdigaan rumaystiyo
ma arraday jacaylkii?
ma engegay darkiisii?
ma afbeelay xiisii?
ma ajowday laagtii?
ma abaaday geedkaan
ubaxiisa guran laa?

Afar qaadka socodkiyo
ma eersaday wareeggii.
Orgigii la naaxshee
adhi raacdo dhaqatee
ku asqaysay heestee
naxariis u jeedo leh
aaminee run moodee
dharaartii la gawracay
is ogaaday baan ahay.

Umal yuururaan ahay.
Cudur igu unkamay baa
iniintiisii biqishoo,
ayax berri i soo maray
eel uu ka tegay baa
uurkayga jiifoo,
aramaa i hurudoo,
anigoo arkayaan
axankayga daaqoo,
macaan jeceshii oon sun ah
loo ursiiyey malabkee
ku idlaatay baan ahay.

Iintii dadkaan ahay.
caku inan rageedow
waxa igadh ka beermaa
aarankiisa weeyee
ooryihiinii kici laa
aarankaad ku dubateen.
Urugadan i haysiyo
agoonkaa sedkii go'ay
aanadiinna weeyoo
uurkaygu waa godob
eed hooyo laga galay!!!!.


Sheekadii oo sidii u qasan ayaa gabadhii maalin danbe waxay
aragtay gabadh kale oo yar uu ninka laftiisii sidii oo kale
ugu sheekaynayo oo doonayo iyadana intuu ka danaysto dabeedna
marka uurku u buuxsamo uu ka dhaqaajiyo.

Iyadoo gabadhii la u digaysa waxay tidhi:

Wayl yahay baxsane
bixisadu wadaa
bi'i waa warlaay
Adoon laacdan baran
oon weli bislaan
ha baraarshishiyin.
Is banbaani oo
ha ku ababin belo.
Laasbiira iyo
biyihii ajo ah
kuma ba'o haraad.
Dawac baadi helay
ma badbaadiyee
balan qaad af ka ah
ha u beer nuglaan.
Bilicdaadan ugub
dhayladaadan bilan
bahal qaba hamuun
ha u soo bandhigin.

Bi'i waa warlaay
maxaa bilis haween
oo baar fidhnayd
been lagu khatalay.
Maxaa bocor ildaran,
maxaa baylah wadhan
haad boobay oo
la bud dhigay hortaa.
Maxaa baydi shilis
burcad iyo labeen
la basaasay ciil.
Maxaa gabadh birlab ah
oo beegsi iyo
baxsan dhali lahayd
baydali makalay.

Bi'i waa warlaay
aniguba basraay berrigaan
yaraa waan boodi jiray
oon badhi caddaa.
Bartaad taal haddeer
annigaa ku ba'ay.
Baaxaa degiyo
beer laxowsigii
jeer aan ku baxay
waan beraad la'aa.

Ninkan kuu boqrani
waa xila bilaal.
Anigoo bed qaba
waa bukaan i helay.
Dhunkashada bishimihii
i beleeyey buu
adna kugu beweray.
Wuxuu kuu burqaday
beentiyo warkuu
igu badowsan jirey.

Bi'i waa warlaay
boggaan eeday buu
barko kugu yidhaa.
bi'i waa warlaay
baantaydan hoo
waad baahan tahay
bahal looma cuno.
Bur ha daaqin sun ah.

Gabadhii markii uurkii soo baxay ee la ogaaday ayaa la dayrshey oo waalidkeed, ehelkeed, asxaabteedii iyo guud
ahaanba bulshadii oo dhami dayrisay. Iyadoon meelay u ciirsato haysan sedkeediina soo dhow yahay ayey hees
caruureedan murugada leh ugu heestay wiilkii ay uurka
ku siday!

Waxay tidhi:

Samow wa alla samow waa,
samow iyo samow waa
Samow wiil gaabsiyow waa
Samow guur baaqdayow waa
Samow geesi ciilanow waa
Habeen god la seexdayoow waa
wixii iga gaadhayow waa
Ma gocor baa aabahaaya?
ma gacalkaagaa ku dayrshey?
ma garab kaagan rag joogin?
maxaad ku gunaanad seegtay?
Martiyi waa goorxun socode
waxaad orod soo guclayso
waxaad soo maalin gaasho
ma giriyaad baad is keentay?
Guhaadow aynigaaga
garnayl baa loo ridaaye
adoon weli lagu gardaadin
maxaa fiintii gadoodshey?
maxaa kalgacaylkii maydhay?
maxaa gabawerey adoogay?
maxaa hooyaday gulaalay?
geyaanku muxuu ka fiigay?
Hoheey caku guuldaraanta!!!

Guhaadow wiilkayow waa,
kuwii gaasiray codkaaga
kuwii annigana i gooyay
kuwii gocashada abuuray
kolkii garta loo xilsaaray
Arbuhu gofanihii ku yiilay
ma guudkeenuu ka raadshey!


Fuluhu weligii ha goojo-
wuxuu galabsaday ha diido haduu raad gado yidhaahdo halkuu gelayaa adduuunka ma hoos kiisaa ka gaabin?
Wax saan gabanyohow ku leeyahay wuxuu dadku kaaga giigay hadaan guntii soo ogaadey gantaal baad tahay bagooda
gunaad kaga yaal damqaaya
Hoheey caku guul daraanta!!


hadday garashadii sabooshay
hadduu gamashiyey wanaagii
haddii gees lay faquuqay
gefkii loo wada badheedhay
haddii gooni laygu qoolay
garsoore yaqaan saboolka
racfaan baan goobayaaye

Dood

Dood wali tixraaceed
Daad waliba taagtii
Duddo wali yagleelkeed
Sabo waliba daaqeed
Damiir wali canaantii
Dawan waliba yeedhii
Dacar wali hulaaqeed
Deelleydu waa shaxe
ninba waa godkuu dego


Dig dheh Faraski Doolaal
Mar labaad ha dananee
majaraha u sii daa
Hadraawoow ku soo durug
Malmal iyo dabqaad keen
Ila didi abeesyada


Dib-ka-naaxa laba kacay
Iyo diradiraaluhu
Yuu innoo dardaar werin
Dumbuqeenna shiishka leh
Duwi mayno weligeen
dad hadduu is toydona
danyarbaa sokeeya leh
Dugsigeennu wayaga
Ifkaan daaray waakaa
Dalka iyo Jaboutiba
ragga iga danbeeyaa
Kolba dogob ha saaree
Colka wadhaf ma lagu deyey


Deji oo rogaal celi
Dulmar weeye ee garo
Kadantii duqeedii
lagu yidhi ragbaa dilay
Ee aan Ma-Diiddada
Garan duurxulkeedee
Dhaqso loo dumaalee
Dadabtiyo arooskii
ayadoo dabbaal dega
Ninkay duugtey soo galay
Ma inay is dooxdoo
Shaamareer dayowdaa
waxan uga dan lee yahay
Cirka Danab ka soo dhacay
dabka fiday kamuu iman
Digaa hoos ka noolayd
Degdeg iyo hubsiinona
mid kastaaba duuggeed


Afartaa dheh deelleey
Deji oo rogaal celi
gabbal dumay habeennimo
Dayaxiyo Cadceeddii
Inuu damiyey moodee
carshigeedi degayee
isagoon digniin qabin
Kolkii waagu daalacay
Casilaadda loo diray
Ma inuu dudaayoo
hadba doc isu qaadaa
Belo waa danbaysaa
Durba fadalku waa maxay


Nin Muraayad daawaday
Foolxumo is diidsiin
kuma doorin karayee
Ma inuu dillaacaa
Duxda hadalku meel lehe
Dusha boogta laga dhayo
aan mililka loo degin
Dawadeeda lama helo
Darbbaddii qabiilkiyo
Hadduu doogtey nabarkii
Gacantii wax duugtaay
Dufan baad u baahnayd


Afartaa dheh Deelleey
Deji oo rogaal celi


maska xuub-dillaacsaday
Dabarkiyo Mareegtii
Dar Ilaahay uma furin
Goortuu Ris daaqee
Dildiluu maqaarkiyo
???
Ka dallacay hugiisii
Waa duluc ujeeddo leh
war jiraa dareenkii
danyareey wax garadkaa
Intaa tahay darkaa madhan
Ee layska dawdabo
darxumada ku nooloow
Anna aan dagaallamo


Afartaa dheh deelley
Deji oo rogaal celi


Xididdada dawaafka ah
ee hoos u daadegey
dhulka uma dalxiis tegin
Dantoodaa fogeysoo
diga-rogashadoodii
Didibkay qasbeenee
Dardar iyo awoodbay
GebiyadaKu dumiyeen
Buuraha ku didiyeen?
Waa duluc ujeeddo leh


Daganeey Qabiilkiyo
Kala Firidhku deyr iyo
Derbi adag hadduu yahay
kuu diidey socodkii
Intaad duluglahaa tahay
dabatada ku nooloow
Waa daabac kugu yaal
Ha la daayo iyo Hees
Duco iyo habaar iyo
Amar Dawlo kuma baxo


Diburaac tusaalaha
Inta ciiddu dihintahay
dhaqaaluhu daleel yaal
dadna kala sed roon yahay
weligaaba duudduub
Dusha ubax ka saarsaar
dakhar waa halkiisii


Gothenburg socdaal ku yimid Abwaanka Maxamed Xaashi Dhamac "Gaariye"


Xafladii shalayto iyo Abwaan Maxamed Xaashi Gaariye


Habeenkii Aqoonta iyo Gaariye

..

 

 

 

 

Madax Goodir

Mar aan gaban ahaa beri
galab aan adoogay
geed uu fadhiyi jirey
sheeko kooban kaga guray,
wuxuu yidhi: "guyaal hore
boqor geesalaa jirey
oo goostay weligii
inaan iinta lagu garan.
Fule waa geddiisoo
wuxuu goorba hubiyoo
gedfo oo cimaamado,
nin gaaraa sirtii helay
godob buuse taransaday
garashadu u sabab tahay
qof gafaana laga dhigay,
hadduu gaabsan waayana
inuu gowrac jiro maqal.
Hadba giirka loo kici
goldalooladuu helay
inay gudubto loo diid.
Isna waa gartiisee
liqi waa gasiinkii
war guntamay la foolqaad
hadba gaadhka meel dhigay
dadka uurka googo'ay
isna garay ka wada qari,
kuna oloshey gogoshii."

"Goobyaalka layliga
kolkay gama' is waayeen
gelin dhexe rugtiisiyo
gurigii ka soo bood,
gudcur beegsey duurkiyo
gelliyada dugaagga leh
mugdigii galaydhkiyo
garanuugta kala didi,
gocoshiyo xasuus iyo
kalgacayl sabooleed
gaashaan ka sii dhigay."

"Wuxuu gebidhacleeyaba
kolkii waagu galac yidhi
geed hoostii faadhfaadh
sidii bahal god dheer qoday,
dabadeed gafuurkiyo
gadhka ciidda saaryoo
la faq goofkii keligii
dulucdiina gaadhsii,
'inuu boqorka Goojaa
madax goodir leeyahay'."

"Hadda iga ma goyside
waxaad iga guraysaa,
sheeko beri la ii galay.
Geeskii warkiisii
kii cabudhay kolkii ganay
garbihiisa laga duul
gebigii fudayd noqoy
goobtiina aasyoo
ka hurgufay go'iisii
galbay oo ka sii socoy."
"Ka gadaalna meeshii
laye 'goortii roob helay,
geesaa ka soo baxay.'"


Notes:This poem was composed by Gaarriye in 1980 and is a political allegory.

GEERIYEEY XISHOODLAAY

Maansadan waxaa curiyay abwaanka caanka ah ee Maxamed Xaashi Dhamac (GAARIYE). Isagoo u gabyaya Abwaankii qaaliga ahaa C/lahi Sildaan timacade,Wuxu yidhi:


Xilli waliba deeqdii
Gamaan waliba xoogii
Xeer-beegti taagtteed
Xog-ogaal tibaaxdii
Dawlis waliba xaabkii
Xaabo waa bisaylkeed
Xigsan ina Suldaan galay
Xiisaheeda gaarka ah


Geeriyeey xishoodlaay Xejiyaay fogeeyay
Xaasha e af tahanimo Hadii uu xabaal galay
Abwaankii xidigin jiray Murtidii xag loo dayo
Xulashada ahayd iyo Xarragada higaadii
Ayaa xarafkii hoos dhabi?
Faraskii xiddeysnaa xakami ayaa sudhi?
Codkiisi xarraankiyo Kamadhnaa xabeebtee
Xuli jiray wadnahayee Wixii xay ah daayoo
Xawaalada gilgili jiray Xaraka sawki tiri jiray
Geelana xasilin jiray Xakab go'ay hadduu yahay
Xaaddaydi yaa kicin? Gabaygii xalaashiyo
Xaqa sheeg ha joogtee Dan ku xeeban jirin ee
Xeelli-hadal ku caan baxay
Mabda' aan la xadi jirin
Suugaanta xaramka ah Xurmadeedii yaa marin?
Xayndaabkii maansada Geerida xasaysaay
Hadaad jebisay xeerkii Anna damac xasuuseed
Adna dan iyo xeeshaa Waa xabag cadaadeed.

Qasab Kuma Balwayn karo

Wallee been ma qaayibo!
Wallee gabay qardoofa ah
ama iga qandoodsama,
qalbigaygu ma hollado!
Wallee "Qaaf" ujeeddo leh
qiimahayga kuma rido!
Magac waa qasaanade,
Wallee qado ma dhaafsado!
Ninkii beesha qaayiba
qar hadduu ku soo dumo,
Wallee ciidda kama qodo!
Wallee qalabka maansada
heesaha qumbuladda ah,
uma qubo dhugmo la'aan!
Taariikhda qoranee
qalinkeedu daalayn,
Wallee qalad yar kuma daro!
Wallee qalindharaaraha
dembi qaranka laga galay,
kama qariyo waratada!

Shacbi qawdhamoo kacay
qarqarsiga hadduu jaro,
Wallee qoofal kuma xidho!
Wallee qoonta mililka leh,
qaarka sare ma dhaydhayo!
Haddii ay qurgooyiyo
joogto qoorta soo dhigo,
Wallee gabay ma quruxtiro!

Haddii qoys agoon yahay
wixiisii rag qaybsaday
qaangaarna sare kaco
qabyadooda raadshaa,
" Qori sii!" ha joogtee,
Wallee quuso kuma diro!

Waxaruhu sidaan qabo,
weligoodba qoor-qabad
biyo kuma qurquriyaan,
anna qiiro mooyee
qasab kuma balwayn karo.

Qaraf iyo tixaa gabay
ku qaraabo uma baran
quudkaygu muu gelin,
qatanaha saboolka ah
dantoodaan ku qummiyaa.
Hadba wiilka qooqane
maalintaasi qoodha ah
qushuuciisa ma akhriyo,
ways kala qabweynahay
qofna kabaha uma tiro.

Qolo sheegasahana, daa!
Iska daa qabiiloo
qarankeenna oo idil
qol yar baan u haystaa.
Qummaneey xuduuddiyo
qaaradaha la kala xidhay
qoqob bay i geliyaan.
Haddaan qabi lahaa taag
quruumaha adduunyadu
may kala qaloodeen,
qodaxdaan ka guri laa
qoys baan ka dhigi laa.........................ma dhamays tirna.

HAYAAN

Hayaanku ma meel fog baa Hillaacu ma beegso baa
Habeenkii socod miyaa Hadhkii ma ha seexan baa
Waqtigu ma haloosi baa Ninkii hakadaa boqoolka
Habaaska miyuu dhaxlaa? Quruumaha hore u guuray
Barwaaqada haybsanaaya Intaad hiigsan layd gadaasha
Hareerta ka raac miyaa? Hadduu maalku kaa harraado
Harooyinka gee miyaa? Hurdada ku dan seeg miyaa?

Adduunyadu waa hadhkaas Hirba hir buu daba socdaaye
Hankaaga fogee miyaa? Hawshaada ku toos miyaa?
" Hubsiino halbaa la siistaa" Halkii daran baahidaada
Hantida u qorshee miyaa? Dantaadu ma haybi baa
Aqoontuna hodon miyaa Iftiin iyo hibo ku ladhan oo
Indhoolaha haga miyaa?

Waxaa cirka lagu hujuumay Waxsaa dhulka lagu hubsaday.
Waxaa badahaa hugmaaya Bidhaansha guntooda hoose -Waxaa uumiyaha hanuunshay -WAxaa cudurkii halgaaday.
Waxaa jahligii haleelay Waxaa gaajadii hirdiyey
Horseed cilmiyeed miyaa?

Dadkaa heegada is geeyey Dadkaa haqab-beelka gaadhay Hub-qaad haga dayo miyaa? Ninkaa buurta roobku helay-
Gunteeda ka heesayow Figteedaa nolol habboon

Deelleydii koowaad

.Silsiladda "DEELLEEY" oo curatay dabayaaqadii 1979 waxay ka hadlaysaa wacyigii iyo waayihii markaa jirey Dalka Somalia. Waxay ahayd dareen xalaal ah oo abwaaniinta somalia markaa ugu caansanayd qaarkoodu ay dareenkooda ku cabbirayeen cawaaqibxumada ku soo fool leh dalka Hooyo ee hororrada gacanta u galay. Ayagoo aan ka baqayn xadhigii iyo dilkii caadada u ahayd taliskii nacabka ahaa ee markaa talada dalka boobay ayay abwaaniintu tiriyeen maansadan Deelleey. Waxay silsiladdu ahayd dareen wadaniyadeed oon ku salaysnayn eex iyo qabiil eedays balse ka digaysay in haddii aan tabaha dibindaabyada ah la beddelin Somali meel dheer laga dooni doono.
Suugaanta taxanaha ah waxa bilaabay abwaanka weyn ee Maxamed Xaashi Dhamac oo ku magac dheer "Gaarriye". Gaariye oo ah suugaanyahan aqoon yahan ah wuxu daaha ka rogay silsiladan.
wuxuu yidhi :-

Dig dheh deelka maansada
Tixo Dir iyo Daabaca
Isku duubni wadareed
Ha ka dido shan-xuubluhu
Arrin waa la diga rogey
Doonyihii la raran jirey
Markab baa ka daba yimi
Cirka haadda duushaa
Ka duuduubte samadii
Waxa helay Dayuurado
Dejey baalashoodii
Daacuunki firidhkiyo
Daaniyii dhaqaalaa
rag duraa ku soo baxay
Kuwa daafka fidiyiyo
Dablayaasha dhimanoow
Digtoonaada way kane


Taariikhda duuga leh
waxan ugu hor daabacay
Xil damiirku qaadiyo
Waa faral dushayda ah
Qalinkiyo Dawaaddaa
inaan fuliyo ii diray
Waxan uga dan lee yahay
Nin qabyaalad doojoow
Doqonniimo waa cudur
Haddii aad dux leedahay
bal docdaada uun eeg
Inta dumar agooma ah
Inta dhiig dad lagu qubay
Inta darib nin lagu cunay
Inta duul ku qaran jabay
Debec yaa lahaayeey
Maxaa degel ku baaba'ay
Maxaa dhacay Umula-doox
Anigaa nin dooriyo
Anigaa wax dumin kara
Maxaa Beel ku dumug tidhi
Imisaa dugaag qaday
Dubaaxdiinna loo wadhay
Darka iyo xareeddiyo
Daaq laysu qoonsaday
Dirirtiyo colaaduu
Maxay haad dibbiriyeen
Islaan wiilki laga diley
Dugayeey maxay tidhi
Dadab iyo aroosiyo
Aqal laba daryaalle ah
Maxaa daaha loo rogey
Waxan uga dan lee yahay
Sumad iyo Dir-soociyo
ninkii duuf ku nooloow
Alle doori baad tahay
Soomali waa duud
Dekan qabae ha joogee
Waa ul iyo diirkeed
Deris iyo tol wada yaal
Nin danlaana kala gura


Qabiilkii Dorraad yiil
Isticmaarki baa dumay
Shalay daba-ka-naax iyo
Dibitaati baa waday
maantana dillaal iyo
Dibir baa ku xoogsada
Waa dabin qarsoodiya
ummadday ku dagayaan
Boobkay ku dedayaan
Qolo-qoladan loo degey
kama dhalan dadweynaha
Ragga dacarta huriyaa
Waa kooxo duuma ah
Daadihiyayaashiyo
maamulkay ku dumanyiin
qaarbaa diktoorra ah
Degreegoodu madhan yahay
Qaarbaa Durbaanna leh
oo daacaddii jaray
Darna waa hagoogtaan
Waa deniyo waaweyn
isku soo dabbaaloo
waa Dabaqad maal jecel
Waxa loo dig lee yahay
Dhididkaygan dahabka ah
Sidii loo duddubin laa


Afartaa docdaa mari
Dugsi maleh qabyaaladi
Waa dararta baahida
Waa astaanta dibu dhaca
Waa boog dalooshoo
Dadka maanka uga taal
Dirxi qudhun ku nooliyo
Waxa fadha nin daallina
Damqa oo ku joogsada
Balse dira-diraaloow
dabka yaad u sidataa
Yaad daafacaysaa
Haddii uunku kala dido
Yaa dulinka kaa layn
Dibjir iyo nin xoolo leh
Denbi laawe iyo tuug
docdoc weeye shicibkuye
Yaad daawo leediiin


Waxan uga dan lee yahay
Haddaad duullimaad tahay
Riddo waa u meel dayo
Docor yohow abtiriyaa
Armaad dogobka qiiqa leh
derintaad ku huruddiyo
Dushaaduun ku hurisaa


Afartaa docdaa mari
Tixdu way dagaal timi
Waa daabbad aan biqin
Cilmi baa u diirada
Durba gumuci koowaad
waxay daartay nabarkiyo
waxa doogta ugu wacan
Dawadiise may gelin
Kuwa ararta daajiyo
ragbaan ula dan lee yahay
Deelleydu waa koow


Gaariye 1994.

"Nin-kasta oo dakana galay,
Qoluu dabada geliyow,
Dembi dhacay mas'uul ma leh
Markaad hebel duqaysaa,
Reer hebel danqanayaa. Ardaygu na dadaalkiyo,
Dugsigii hadduu gabay,
Delluu meel ka haystaa,
Waxaan daah ka sarnayn,
Isagoon diktoor noqon,
Inuu darajo tolan karo,
Inuu doolar heli karo,
Ama dayday noqon karo,
Daba-laab ku xoogsada
"


“Ha laguu ilmeeyee,
Horto dhimo af maahee,
Eeggoo la noolyiyo,
Ifkaan kaaga baahnahay,
Wax yar oo aqoonsiya,
Oon aad u buurnayn,
Oo weliba eegeey,
Igu sii amaahoo,
Ictiraafka buuxee,
Aakhiro markaan tago,
Iilka igu sugaayiyo,
Ayaantaan xabaal galo,
Oohintaan mutaystiyo,
Akowntkayga laga jaro,”


Xarunta Cilmi baadhista Soomaaliyeed oo Gaariye gudoonsiisey billadda nabada.


Casho Sharaftii Gaariye iyo Ururka Guud ee dhalinyarada Somaliland ee Sweden



Wootargayty

Wiswis bayga galay Kaartarow weheshigiinniiye
Waayo-arag intii aan ka helay buugaggii weriyey
Wareerkaad baddeen buu khalqigu weli la taahaaye
Su'aalaan ku weydiinayaa ila sal waaweyne
Walaalnimadii aan koolin jirey waadhka yaa geliyey?
Isagoo takoor wada ayaa laba wejiileeyey?
Waadaasha xoolaha lumaa weere waw halise
Hadba weerka naag baw xidhaan weydey kii qabaye
Wedkii Maalkom Ekis waan ka naxay wacad Ilaahaye
Waa kee waraabaha dharqaday warangalkii toosay?
Kolka geesi weyraxo ayaa dacar waraabsiiyey?
Yaa wadey raggii Luudar Kiin waagi hanaq gooyey?
Hindidii casayd yaa waddarey wadarna yaw laayey?
Alla weger waxaad belo dhigteen waa ka waasacane
Niksan wayla sahal ceeb haddaad ka welwelaysaane
Qirta Wootargaytyadu ka badan taydun weriseene!

Walbahaarka Falasdiin nin ogi qulub la weydowye
Waddankoodi goortii la dhacay wahabku kooreeye
Waa debed-wareeggii sidii woohow loo yidhiye
Waab iyo ardaa kama galaan weedhka karameede
Ummaddaasi wadhan yaa sidaa wajib kaga yeelay?
Miyaan lala wadaagayn Yuhuud wiirsigiyo ceebta?
Alla weger waxaad belo dhigteen waa ka waasacane
Niksan wayla sahal ceeb haddaad ka welwelaysaane
Qirta Wootargaytyadu ka badan taydun weriseene!

Fiyatnaam wixii aad baddeen uunku wada yaabye
Hubka waarriyuun baad aroor wagac ku siiseene
Dayuurado waleecaad qabaa geliyey weesaaqe
Sida dhibic wajiineed wixii gumuc is-weydaartey
Nin waraystay waa garanayaa wahankii Saygoone
Goortuu wasaashaday dhurwaa waaxyihii ubadka
Isu baxe wishiiriga ci'diyo wiida naaguhuye
Raggaad waranka siiseen anoo weli u ooyaaya
Marna waxaan i deynayn duqii ugu fil weynaaye
Hooheey! geeridii Hoo Shi Miin wiilashay gudhaye
Alla weger waxaad belo dhigteen waa ka waasacane
Niksan wayla sahal ceeb haddaad ka welwelaysaane
Qirta Wootargaytyadu ka badan taydun weriseene!

Woobiga Angoolee qarxaday wiririgtii yeedhay
Boortuqiiskii wiiqay rabeen inay ku waabshaane
Goortuu wadnaha taabtay bay wegen u fuuleene
Waxay waarrisaba maalintuu calanku waaheelmay
Waqalkiyo daruurihii onkoday webiyadii dooxmay
Guushii kolkii loo waqlalay Neeto widhif raadshey
In wakiil u tago Yuu-En-Oo golaha waaheelan
Maan garan halkuu weyd ka yahay waajibkaa cadiye
Wadhiyey! Maxaad ugu riddeen walagta fiitooda?
Alla weger waxaad belo dhigteen waa ka waasacane
Niksan wayla sahal ceeb haddaad ka welwelaysaane
Qirta Wootargaytyadu ka badan taydun weriseene!

Sida ceel wiyeeraad kol hore nooga wabaxdeene
Warshaddiinna dhiiggaan tufaa lagu waraabshaaye
Garaad ma laha ruuxii wabiin wacad la qaataaye
Ka il baxay wallaahida afkaa walalac beenaade
Werwerkii Simbaabwaan qabaa Weris-la-mooddiiye
Waadiga Namiibiya rag baa waayir xidhayaaye
Idinkaa watee Yaan Ismiidh wadhaf ma tuureene
Alla weger waxaad belo dhigteen waa ka waasacane
Niksan wayla sahal ceeb haddaad ka welwelaysaane
Qirta Wootargaytyadu ka badan taydun weriseene!

Notes:This poem was composed in 1976 after the United States used its veto in the UN Security Council against the entry of the newly independent state of Angola under Neto.

Ergo

Gabaygan waxaa tiriyey Maxamed Xaashi Dhamac(Gaariye) 30th,April,1992. Gabaygan wuxuu abwaanku tiriyay markii uu socday dagaalkii sokeeye ee ka dhex aloosnaa beelaha Somaliland gudahooda, waxaanu soo baxay maalin khamiis ah.
Gabaygan magaciisa waxaa la yidhaahdaa ERGO .
.Abwaanku wuxuu ku bilaabay gabaygiisa sida tan:-

Qul-acuudu bilaahi - idaajaa nasru-laahi,
Al-raxmaan iyo qaaf iyo alif-laamra sirteediyo
Waxaan maanta alhaakum - ilhaamka uga bilaabay.

Hadraawow indhaweydba - sidaydii ma ahaynoo
Waxaan ahay nin arkaaya-waxaan uumku u jeedin oo kaligii anfariirsan.

Waxaan ahay nin arkaya -maanka laaga Ogsooniyo asaraarta dhex yaala - isha laacu u Muuqdo waxaan ahay nin arkaaya- umadayda Tasowday ee usha loo qaban waayey- ee aniga Iga bilow oo abwaankeedu ka seexday- wax Aqoonkii tabaysa afweynoo laga reeyana- Ujeedaa uga dambeysay.

Waxaan ahay nin arkaaya- mar kastoo ayax guuro In uu eel ka tagaayo- walibana aad uga sii xumoo Libinteyda af-duuba.

Waxaan ahay nin arkaaya ayaankaygii shi' dhaafay
Markii loo injireystay -oo madow daba-keeniyo
Isagoo ducanayaa dirqiga- weysha ku ooftayoo
Idinkoo qof maqnaynoo- indhihiinu shan yihiin
Mar labaad ambanaaya.

Waxaan ahay nin arkaaya- ulajeedo habowday
Ididiilo hungowday -ooda geel laga qaadayoo
Hal taal gundihiisa -ayaanlow naxdin joogta
Aayatiinkaba saaran -Aheey way iyo ciil
Umalkeyga hiqdeyda - calool oyga nafteyda
Ilmada iga da'aysiyo- imtixaanka i haysta.

Ma dhulkaa i ashkateeyey -ma cirkaa iga ajooday
Ma badaa igu ugaajay -ma abdaanan lahayn
Ma dab baan isku ogaa - anigu aan isku daaray

Islaantii curadkeeda -kolkay Eydu cunaysay
Ax doraad odhan weyday- markii ay arki weyday
Wax guda oy ku ilowdo- noloshii inankeeda
Inay maanta u oydo- inteeday ku sugaysay

Oori weerku ku raagayoo -geeridii odeygeedu
Afaafkay ku banaysay- ninkii owdi lahaa
Isagii fadhataystey -yaan u eersa nidhaa

Ninkii aarsa yiqiinay -haduu aarsaday maanta
Uu-fanayskiina guuray- iyana waa iga su'aale
Tolow yaa colka eega -loo abaabulayaa?
Tolow yaa ilma dayday -ulmadeydii u loogayoo
Ilma dowgii ka reystay -Yaa u aana ah maanta
Udunteyda halowday -eebadayda ku fiiqan
Ayaantay kululaato -kaan u eeran lahaa
Yaa u aana ah maanta.
Birta layska as-laayiyo -galkey siibtay ableydu
Yaa u aana ah maanta- mar labaad ubadkeena
Sidii Ey la guhaadshay- in ilkaha lagu qaado Unugtii shaleytoole- isku meesha u jeeday
Iminka yaa iska hor jeedshay.
Laba oorya walaaliyo- ilmaadeer is maquunsha
lama sheegin aduunkee -marka aan ugu liito
Mar aan eeda sokeeyiyo- ilmahayga ku waayo
Mar aan aayo la'aanta -seedigay ugu aaro oo
Walaashay asay qaado -mar haday aqalkayga
Haddi layga adkadiyo- hadaan raystey idhahdaba
Mar lay oohin u tahay -bal maxaan istafiiday?

Afartii garjahoodba hadaan- soo wada ooday
Xageen geela irmaaniyo- markey beeshu haraado
u aroorinayaa?
Sow anigu gacmahayga -kuma dheebin ishii
Berri loo irkan lahaa -wixii aan ku if waayey
Kuna aakhiro seegay -durba sow ma ilaawin
Ubaxaan xinjirteydiyo -ka ab-qaalay jidhkeyga
Kolkii aan is awaaday -udaabteys iyo ciil iyo
Odax sow kama goosan.
Haduu geedkii abaaday- markuu oomaba
Ubadka dhiiga looga shubaayey- sow ataar li'i maaha.

Gadhlow awr kala guurtey- la arkee mar kaleeto
In ay ood ku kulmaana -haduu uur kala guuro
Sow amuur culus maaha -ololihii halgankeena
Cuf u soo wada guulka -dhib waxaan u adkeystay
Waxaan is-lahaa mar uun baad arligaagiyo
Iyadoon faqash joogin-kula iidi dadkaadee
Kolkii waagu iftiimay- sidaan ahay Ina dhoore
Usarkaan ka dhex toosay -indha u daranaa
Marka duul asal guuro- in Ilaah ka biyeeyo
Dadkoo yaala abaar -haduu roob iba dooxmay
Ku bashiisho agteyda- intaan soo ordayaabaa
Darku sii engegaa -Abuur baan ku tabcaa
Irfidaan geliyaa- iniin baan ku ridaa
Udan bay bixisaa -gooso baan is-idhaa
waa la ii arfacaa.
Abley baan ramiyaa -afeeyaa shirabaa
Adhaxdaan is jaraa -oogso baan is-idhaa
afweyntaan u dhacaa.

Afartaa shax dheh maanso- afkaa laysu jaqaaye
Sooma qaadin irmaan -Amba qaadka kaleeto
Berigii isticmaarka -taladii la il-duufay
Burburkaad aragteeniyo- haday keentay inkaarta
Aynigaygu ku dhaaftay -Allana i tusi waayey

Ana maanta gefkaygu- inuu aasayo miino
Ubadkeyga u taala -Fardowsaay ma arkaayo
Rajadaad ulanaysay -waxaan looga ina-aabsanoo
Sidaasaabad itaalka -haddii aad amakaagday
Ku ayaan badan tahee -Aafo waa ta dambeysoo
Ifa-faalaha muuqdiyo- i' shay leedahay maanta
Waxba yaan af-gobaadine- intay doonto ha gaadho- aramaa qarxi doonta.

Dharaar baa iman doonta -hadaan Eebahay ceymin -afku uu hadal daayo.
Dharaar baa iman doonta- dab munaafaq istaadhay- sidii aayar gubtaa ama duur olol taabtay- arligoo dhan dhameeya.
Dharaar baa iman doonta- iyadoo is wada weyday- oodo loo rogi doono.
Dharaar baa iman doonta -Imaaraadka sidoodiyo
ninba aag ku go'doomo.
Dharaar baa iman doonta- dadka Sool iyo Awdal ee- Aadanow hagrateen -raacdadoodu adkaato
lagu raadsho ileys.
Dharaar baa iman doonta-irsiqa laysku cidhiidhiyoo- wax la uunto la waayo.
Dharaar baa iman doonta mujrim -oogo madowoo- islaam sheeganayaa agablaay hambadaada- isa sii kaba raasho ku darsoo Axmed-doolow- waxaan ahay xog-ogaaloo hir fog baan arkayaa- orna waa maqlayaa waxna way urayaan.
Aaminaay waan gabyayaa -nin abwaanana waan ahoo- ereygiisu tuf leeyahay -Hadeydaan i adeecinoo- ergedaan ahay maanta ka abaal ka dhacdaan- Ilaahay balankii ibtilaa dhici doonta

Dhulkay eyro ku fooftana Afrikaan madmadowiyo
Ajnabaa degi doona iyagaa talin doona

Organkaad didiseen baa- dib idiin qabsan doonoo
Dharaar baa iman doonta- engag layskugu xiira
oo heeca diida ilmaha -qasab loo aqbalsiiyo.
Ciyowgaa alwanaayiyo -tukahaa uuda hayaana
Way is calool ogyihiinoo- Qaasinow abti hee dheh
Galow aamusi waayey haddii aan wax aqaano

Daruuraha iba-baaliyo- afagaalaha naafiyo
Kolkaan moorada eegay- laaxinkay ku aroortiyo
Ninka faalka inkiiskee- ku ab-yeeshay Cibruhu
Haddaan eega la baajin- waa sidoo abada ah
Haddii aad adintaanoo -indhaha dhiig laga keeno
Idinkoon sidan dhaamin- inaad guul urisaan
Waa waxaan la arkeynin -Allaahu ma balaqtu
ilaahow markhaati ka ahow.

Afartaa shax dheh maanso- afkaa laysku jaqaaye
sooma qaadin irmaan -Hadey heesi ab leedahay
Ama loo oday sheegto- ilaa Xaawiyo Aadan
Isir baan u lahaa -waligey abidkeyna
Anoon jiiftada haadin- isha aan ka dhameynin
Uumiyaha kuma soorin.

Iminkay wada leedahay muu -abwaan wax yidhaahdee-Idahaaba diraacda subaga loo ogolaanine- hadaan aamuso waayo khajeelaanse arooryo- hadaan lays inkiraynin -mankoo uunsadey deyr- dhirtu ay arad beeshay -cadceed loo indho kuuliyo- ufo roob subaxeed araar kaaga sameeyey.

Khajeelaan hal abuurka- anigoo ka shufeer ah
Afaraydu jug weeyee- selef kuugu istaadhay-Khajeelaan tix aroosa- satiyaal la aleeliyo
u af-saaray fujaan.
Khajeelaan sida iida- iigu soo ururteenoo
iyadoo farihiina.
Arafoo kale moodo- murtidaaan Odhan lahaa
rag u soo luxiyeystay.
Intii aan kugu oomay- hadaan geed ololeeyo
Mar horuu ereygayga- Ilaahay balankii
ku ugbaadi lahaa.

Ohodeyda dadkayga- Rabi baa ka asheedayoo
Wuxuun baa indha buuxsha- nin aduunya u haysta
Abtirsiimana sheegta- af qalaadna yaqaanoo
Isticmaarkii la ceeshay -Aynigaan ahay oo dhan
Wax aqoon ma bidaan- maxaa aabaday yeelay
Sida ay u arkaan- siyaasaanu ahayn
La shaqeystay Af-weyne- ama gaalkii ag joogayoo- af-miishaarkii barteen

Ahey way iyo ciil- umalkayga hiqdeyda
Calool oyga nafteyda- ilmada iga da'aysiyo
Imtixaanka i haysta-Anigaa is maqli waayey
Orod bay wax i leeyihiin- ololna wuu fahmayaa
Ayaamo is gurayaana- way igu fool adag yihiin.

Ahey way iyo ciil- Aaminaay magacey ba'
Asaagay igu wiirsay- inanteydu gumowday
ka irdhoobay shisheeye- ku eedoobay sokeeye
ehelkay ka qalooday- cidna aamini waayey

Umul dooxa Togdheer-iyo raga Shiikh ku
idlaaday- ee Aroori ku le'day- looma ooyaha Saaxil- anigaa ku tol belay.
Cidna eersan maayoo- inkaar baa igu biirtayoo
anigaa isu geystay.

Dharaartii Alle keenana- ayni ii kordha mooyee
Caqli iima siyaado -mana waayo arkaayo
Wax kastood akhridaan- waxaan ahay Alle doori
seed dhanina aanay ku oolin.
Mudadaan ildarnaana- iyadoo soddon dhaaftay
Weli eelka salkiisiyo- uhda boogta nin dhaafa
Oo mar uun haakah yidhaahda- indhaheyga ma saarin.

Adinka dhaawac ku yaalana- hadaad hoosta ka dheydo-Aasbaroo wax ma dhaantoo- iyadaa ku lakiikta.

Talana way ashidowday- nin abaaray la diid
nin abraarayna mooyi- meeluu beesha la aadi
Arinkeena gabdhow_ aqbalkeen godliyaana
arligeena kuma noola.
Alif kow ku qaloocday- Al-baqruu ku dhibaaye
Aar horaan ka afeeftay- Af-weynoo laga reeyiyo
Inaan guushu ahaynoo-Bidhaan baad aragteen
Baadidiinii u eg'ood- iyadii u qabtaan.
Istiqlaalkii sitiinkii- onkodee di'i waayey
Tanina waa isku itaaloo-Abshirtii wanqasheediyo
Axankii tacsideedaa- isku maalin ahaa
Af-lagaadan maaha- hadaan maanta idhaahdo
Odoyaashii la doortay- Anigoon kala reebin
Irbad dun gelin waayey- -iska daa wax kaleetoo
Amni noo sugi waaye.

Waxna aad uga liita- Ilaah baa i dili doona'e
kuwa buuraha aaday-isku soo wada xoori
Isma dhaanto dhasheediyo- meeshu waa wada ulo miidhanoo- ul la qaato laheyn.
Arin laysku khilaafiyo- ujeedooyinka dhowee
Ubucdeedii wadhneydiyo- ictiraafkii maqnaaiyo
Ku ilowday dan guud.

Abeesaa laga sheegay- markaan aadmiga fiirsho
Aargudaan is idhaa- markaan Eebe jaleecana
Awlaadsaan is idhaaye-Waxaan eeg garan waayey- waxan eeg ka sokeeya.

Rag haduu is af dhaafo- aayatiina wadaago
Afkaa laysku gartaayee- is afwaajiya maaha
Isu soo ura maaha -Adigoo hebel diidan
Eryo reer hebel maaha- isku wiirsada maaha
Udahaaga cun maaha.
Isku soo wada duuboo- inqilaabna xal maaha
Anigay igu gudhana- wax la eegto ka weyn
Ana waano ku xiiqey- dharaartii Alle keenana
abhis baan ku jiraa.
Far baan boog ka ag dhow- ka ilaalinayaayoo
Hebelaa isku uraayana- anana u rahmanahay
baan weli maynu adkaane- inoo aayara leeyahay

Mudacyaan afafkooda- anigoo gala-gariirto
Isla eeganayaa- arji baan dirayaa
Aleel baan ruxayaa- galiyoo dhego awdan
Iridaha ku tumayaa-Sidaasaanan aduunku
Bal inaan ahay liid- anigoo gudo haawan
Ha I aqoonsado leeyahay.

Waxaan fool eryeyaa- Hal aan Awr ku salaaxinoo
Is-moogtii wax ma dhaamo- iyadoon la dalaaqin
Wali haantii aslaysa

Afartaa shax dheh maanso- afkaa laysku jaqaaye
sooma qaadin irmaan.
Nin ragi ereygiisana- astaan buu dhigtaaye
Rabow eex ma tiraabine- aqoon haygu cadaabin

Ambaqaadka kaleetana- ishaa maanta bidhiiqdiyo
Ogobeey libinteyda- rag bow u haysta ilaaqe

Hodaneey marna Aabo- ay ax yaa wadaniiyo
Axsaan layguma siinine-halyeeyaa ku idlaaday
Ubad baa u lugo belay- aduun baa ku dhamaaday
Khabar baa ka adeegay.

Anigaa rag ugu liita oo- afadeyda sagaal gu'
kamaan soo ag wareegin.
Inagoo kala daadsan- nin u qooqay idiisuna
Cirkuu roob ku og yahee.
Awadeydii qudhaheydeen-aawadeed ku wad seegay.
Aadanow taladeyda- ku adaadurin mayo
Ilaahey ka sokowna- anagaa leh awooda.
Ogolaana ma doono- intuu taago uluunka
Nin yidhaahda anaa ah- afweynaanu ka diidnay

Nin kastoo ana fooda- nin kastoo laba eef ah
Ninkastoo is afuufa- anagaa ka shaneyna.
Lays amaahina mayo- Axmed weysa cadoow
Cididaa usgageega ha- ogaado nin moog.

Mar nin baan u il-duufay- mar labaadka ilwaad
U ardaa dhigan maayo- nin intuu axdi qaaday
Oofin waayeyna daa.
Ololihii lagu laaftay- kuwii uubta qodaayayee
Iblayskii ku nabnaa- iyagu way garcadeen
Ana xaasha nin iin leh- wax inaan ku idhaahdo
Uma quudho afkeyga.

Uf qabiilka anaa leh- wuxuun baa ku adeegta
Nin iskii kartidiisa- isagoon cid ku tiirsan
Isku taagi kareynin- una haysta ateero
Ayaantuu dambi geystana- laga hoos galo eeda.
Ayid waad is xigtaaniyo- idinkaa isku reer iyo
Aqligii lixdankii- maanta iib geli maayo.
Sidaan aaminsanahayna- abkuu doono ha sheegtee- wuxuunbaa ehel ii ah- dadka kaan af aqaano ee -si wax iila arkaaya ee- na midayso ujeedo.

Waxaan laysku ogeyn- ninkii hoos ka unkaama
Aftideyda ma haystoo- ansax maaha wixiisu

Arligeynu ku noolnahee- beryaha qaar u ekaa
irama daatal cimaadii- aayadaha lagu sheegay
Awaaraanka kacaayiyo- ninka maanta ortiisiyo
oohintiisa maqlaayey- ka adkeystay gob maaha
dibna loo igman mayo.

Arliyooyna hiqdaadiyo- orgigii la shireystay
ilmadaadu ka weyne- inagoo xaley baadle
u eegaynay hilaaca- waxa awrta xidhiidhsan
loola aadayo baasle- wax baa nooga iftiimay
Dibna loo igman maayo- nin ishaafalateysatay
oo isagoo inala jooga- arwaaxdiisu walaayiyo
Idaafeyto ku nooshahoo- ilina u daban tahayoo
Abidkiiba ka reeba- oo dhulka aan wax ka oolin

Rabi baana na uuntayoo- anana taag uma hayno
ayaan nool hirdin joogta- -oo markay kooxi orgootaba- ma asooli kareynee- abaal baanu ku qabnaaye- amaan uu ma helnaa

Afartaa shax dheh maanso- afkaa laysku jaqaaye
sooma qaadin irmaan.

Sidaasaana itaalka- u af dhuubsanayaayoo
wixii aan odhan lahaaba- mar aan maanta aheyn iyo- ar dambe u dhigo leeyahay
Waxaanu Alle keenay- waxaan loo adidoonin
oo aayaheenuba maanta- ilig liiqliiqanaayiyo
indhal buu sudhan yahee-sida xaal u eg yahay
ama waynu adkaanoo- wax jireynu ahaan
ama waynu idlaanoo- dib laynoo arki maayo
iyadoo wada saran- umadeenuba dooni
ku asqawday badweynoo- injiinkii ka duqeeyey
ayaa reer hebelaay- afka way igala weyn
tahee -hadaad leedahayaqiibo -agoonta luxuska ah horta reer u yagleel-ubadaasi jajabeysa
ee u uusmiirtey darteed- dib waxay ka ahaataba
ishii cawri taqaaniyo- ka ilaali wad mooyee
wax kaleeto ilow.
Asalkeeda banaana- maalintay il xun-tahay
bay ilaah leedahay ceynsha -oo markaad xeeli amaan ah- kula eersatid beesha- eed aamusiiso rasaasta -waxaad ulaneyso- anagaaba ku siine
inagoo sidan dhaaniyo- adeerow gacalow
ayaanteeda ha gaadho- haduu Eebe yidhaahdo
lugo aan isku taagno.


"Sebenkii xumaadaba ragbaa sahayda naanays
Ninka xadhig surmeeyow waxa socota taariikh
Cirkaa qabar sanaacigu kaa sawirayaaye"

"Caalinoow Ta’ iyo Woow,
Bal tix-raac halkaan maro,
Tukayaasha duulaa,
Warka waysu tebiyaan,
Waa af-tahan Qudhaanjadu

Geeluna tawaawaca,
Kolka biyaha loo tubo,
Ways tibaax-yaqaannaa.
"



Gaariye

Dabataxan  New
Dhadarbi
Dhahar
Dir iyo Daabac
Dood
Gabayaaga
Saxansaxo
Hagar laawe
Halyeey
Najayna Najayna
Madax goodir
Mandeela
Roodhisiya
Run
Qiyaame
Hashii cosob.
Nabad
Geeridii ina boqor
Beer-Wale
Hoobal
Roob Doon
Khilaawatul Abyad
Caweyska Juba
Wax Qorista


Silsiladdii Siinleey- I
Silsiladdii Siinleey- 2
Halgankii S/Galbeed
 
 

 

 

 


 

Copyright© 2005.Goljanotoday.tripod.com.all rights reserved.