Home Gallery of Photos Contact Us |
Gabaygan waxa la yidhaahdaa SAXANSAXO Indhaweydba suugaanti gabay maan siyaakhadine Waxa lagu saleeyaaa murtida socodka waayaaye Tabta sayr ma weydada ayaa lay sed tiriyaaye Saakana Hadraawow murtidu saayiraad ma leh Inta hebelba Ina Saalaxow hebel sadhaynaayo Afartaas sedkii Aadan Shiikh, sahaydii Koosaar dheh Boqol sano ka badan bay maqnayd sidigta Maandeeqe Cidna kuma samayn tuu ku falay Saalaxaw hebele Laxawsiga haddaan silig ku jirin sadaha uu waaley
Sanduluu ku keenaa kuwuu soohdimaa dhigaye Inta hebelba hebel saranyee dhiriq ku saydhaayo Gumuciyo colaadaha sanqadhay samada qiiqaabtay Surinkaad ka meertaba migiya soobir baa wadhane Haddaan saac kale u bixin qorshaha sudhato doonayso Nin siyaasad liitaaba waa suu ahaan jiraye Inta hebelba hebel saranyee dhiriq ku saydhaayo Lix gu baan safeeriyo fadhiyey sool anoo rabaye Ninka socodka taariikhda raba inuu suldaareeyo Ana Cawil samaan kagama helin madax salaaxiiye Ninka sawdhaxeenii doraad saaxirkow kiciyey Inta hebelba hebel saranyee dhiriq ku saydhaayo
Meeshiyo Suweys ways hayaa siligu Boobaw-we Inta hebelba hebel saranyee dhiriq ku saydhaayo Dabarsame Hadraawi ……………………… Sirmoqabe ka sheekee ninkii boqonta seeraaye Inta hebelba hebel saranyee dhiriq ku saydhaayo Afartaas sedkii Aadan Shiikh, sahaydii Koosaar dheh Saxariirka keligey ma qabo simey dadweynaaye Intaan sabada Beled-weyne taal seray ka baadhaayo Wax dhan buu sabciinkii ahaa saac-dhegooluuye Sogsogleydii Boorama cuntadu waa ku suququule Qarafkii iyo sigaarkii ayey sixirkii laaleene
Cashuuraha siddeed dhaafay waa saaca waayaaye Haddii samada roob lagu og yahay waa la sugi laaye Faraar meel ku suggan buu ku yaal sula dadkiisiiye Sannadkii xumaadaba ragbaa sahayda naanayse Jahli lagu saliday baa shacbigan saaray heeryada’e
Suufbaa degtana lagu guray, dhegaha Suudow’e Ma saloogna Sooyaal waxay siibayaan muruqe
Faraar meel ku suggan buu ku yaal sula dadkeediiye
Afartaas sedkii Aadan Shiikh, sahaydii Koosaar dheh Saddex labo ka goo labo u gee saxar ma doorshaane Nin sahweyey ku noqo baa u furan labo sujuudoode Dadka qaar saleeluu la yahay sawdka baxayaaye Ku darsoo intaan sigey intaan talada saameelay |
GELBISKAAGU WAA QAAN Waxaa tiriyay Xasan Daahir Ismaaciil, Jaamacadda Camuud Gabayahow xilkaa guddo Geenyadaadii heensee Ninkastoo abaal galay Garabkiisa taagnow Galladiisa raadcee Godobtii u qoolow Galbiskisu waa qaan Ha ka daahin goobtii Mee gudaalahaagii? Godolkeeda liitaa Gabno loo bireeyee Gaaleefta loo hurey Mageydada ha taabsiin Jiilaal gardaadsadey Hayinkii gargaarsame Gudguduhu markuu da'ay Hadii aan ka gaabsado Ama gaado weynuhu Ku abaaji geylamo Gudhan maalintey tahay Markaan guudka dhaansado Ma isfurey gabaahiir? Waxaan uga gol leeyahay Ninka loo goblamayeey Guruxyadu u damayaan Guubaabintiisiyo Xurmadiisa gaarka ah Haddii aan la gees maro Godka maalintuu galo Baroor diiqdu guul ma leh Anna caawa goobtani Gobta loo agaasimey Jiiftada gun dheerta ah Kuma gabo alley lehe Wuxuu maanku gaaxdiyo Gol qaniin duduuciyo Gujo waxaan kumaalaba Curadkii gardaadshiyo Nin gayaan u hurayaa Xil i guud sudhnaabaan Gibishiisa furayaa Gundhigiyo rugtiisii Waxa iga gunaanada Duco aan gudheyn iyo Guri lagu nagaadiyo Geshin lagu nimceystiyo Naxariis gu' weyn iyo Guryo samo ku dheelmada Wuxuu guule hidiyuu Ku galado adoomaha Gargaarkiisa koowaad Gurmad ubadku weeyee Gabaniyo dhigaalkood Samo lagu gardaadshiyo Waxa aadmi goobaba DUCO Waxaa tiriyay Keyse Xassan Gaboobe, BBA . Anoo waayadan da’ furay Dareerin tixdii mudnayd Dawaadiyo buugagii Ku daabicin baalashii Daloolin iliilihii Hogaan ka dareemi jiray Ku dhaadhicin dawliskii Dardaar iyo hogo tuskii Digniin iyo waanadii Wadaanta ku soo dardarin Ayuunbaa duhur dhawayd Anoo damal wayn hadhkii Dooyaaystay halkaan fadhiyay Galaydh igu soo degoo Bishaarada ii darbaday Xog daahana ii furfuray Wuxuu yidhi duulihii Bal daalaco xaashidaa Waxaa ku dalaysan dheeh Riyaaq lagu daabacoo Aroos qaranbaa dalkii Deryaalaha loo gingimay Higaad iyo deexadkeed Hawraar iyo duur xulkeed Duruusta ninkii ku baray Hal door iyo deeqsigii Abwaan baa dadab galee Miyaanaad dabuubta hayn Dareen farxadlaa I galay Dah iyo wahabayga kacay Dubaaqaygaa burqaday Dusheena intaan u baxay Ayaan dararoon mugey Daruur iyo hogol noqdoon Sidii dirir roob onkaday Daroori xareed udgoon Intaan duulaan arlada Dhamaan afarteeda dacal Dhambaalada daadiyoon Darmaanaha fuula idhi Ma daaline doobiriyo Dabaylo socdaa I waday Dakaan iyo daal ma arag Ilayn dardar baan qabee Waxaan la durdurinaya Ogow kalgacayl dartii Dibnuhu muhashay salaan Bilkheyrta duduucayaan Hibey daadahinayaan Dabuub gabay sidaan Durduro adaa baree Waxaa damash iyo xariir Dushiina ku dheehaniyo Dadkaa yimid baan arkaa Intaan iman baa ka daran Intii dibad joogtay iyo Dalkeena intii ku nool Maxaa dumariyo caruur Baloolay darbaynayoo Ku booday dallaayadii Maxaa doobiyo gashaanti Duleedka u soo baxoo Dayaan sacabkii shanqadhay Jafliyo botorbay digtii Kabaabay u daraf xidheen Bulliyo wilwilay dafkii Durbaano garaacayaan Dhamaan inta duusha iyo Dabaasha intii taqaan Dalkooda bad looga dhigay Ugaadha dirkeeda iyo Dugaaga kolay ku tahay Wixii bahal duur ku jiray Waraaqo daboolanbay Arooska u soo direen Arbow didibkeena iyo Dawaafka xogtaan ka helay Halkaa an kusoo dabree Waxaan la darbaysanahay Markay dhashay dayr cadii Hashaan doobiga u siday Guclaan suxul duubayaa Cir baan daba roorayaa Si aan ugu doogsin dhabo Haduu iga sii durkiyo Haduu dabadayda maro Madaalee waan socdaa Rajaanan ku doogsadaa Danbaa I sugaysa oo Dibaanan usii socdaa Dardaaran fogbaan hayaa Aduun ducadaa ka wayn Karaankiyo daafaday Lamaanahan la’isku daray Dicaan ku sagootiyay Dhigtooda rabow ha dumin Darkooga rabow ha gudhin Duntood rabow ha goyn Rabow duun iyo walaal Rabow ubad ay dirtaan Da’dooda kuwii u roon Rabow kuwo diin yaqaan Dadkooda kuwii anfaca Dalkooda ku caano dhama Kuwaan dibindaabyo arag Ka jeex dumadooda oo Intay duni nool yihiin Ku sii nolol door ahoo Darwiishku abaal u galay Rabbow u dalaalimee Rabow degelkaan fadhiyo Dadaal kama baaqsanee Aduu dayr iyo kaliil Ka yeel durdur aan go’ayn Dushiisa aduu rabow Ka beer dalag aan ba’ayn Rabbow damanaanu nahay Intaa duhur iyo habeen Kolay dambi baan fallaa Dulqaadka adaa iska leh Rabow danbi dhaaf nasii Rabbow waxan nahay daciif Rabow darajiyo ilhaam Adaa duni maamulee Waxaad damacdaa fulee Ma dooran karnee ta roon Aduu ifka nooga door Rabbow daran naga nagee Aduu delli iyo sursuur Halkaan dani noogu jirin Rabbow naga soo dabaal Wax doojiye daa’inow Wixii daran baad kartaa Wixii dadan baad ogtahay Wax daalacan baad taqaan Ma baahatid daa’inow Dadkaa kuu baahan adi Daryeel kama maaranee Deeqdaada rabow nasii Adaa da’inow na faray Ducaysta adaa na yidhi Adoonku wuxuu dalbado Adaa daa’inow aqbala Rabbow ducadaa ajiib.
|
Copyright© 2005.Goljanotoday.tripod.com.all
rights reserved.
|