Abwaano,Fanaaniin iyo dhamaan reer faneedka ugu caansan.
Abwaano,Fanaaniin iyo dhamaan reer faneedka ugu caansan.
Welcome to our album for Somali celebrities.
Hibo Maxamed (Hibo Nuura)
Hibo Maxamed (Hibo Nuura) 
 
Inta saaran dunidoo dhan, Saygaan ka doortaan, Sabenadan raggan kacay, Sadkii aan ku yeeshoo, Waxaan kugu sagootiyey, Safar khayr leh socataye sidii roon, Samaayihii dhexdeena ha sii dayn, Saacaddii aad joogtana, Ku seexoo ku soo toos, Anna waan ku sugayaa, Soo noqo adoo nabad ah, Samri waayey niyadaydii , Lagu saarey caleenkee, Saqda dhaxe habeenkii, Sahwiyey oo dhawaaqee, Waxaa iiba sii dheer, Niyo sidig ah, Sare taagan awgaa, Daraaddaa u saleshaan sasabayaa, Samow hadday ku weydana, Si ay noqonba mooyee, Anna waan ku sugayaa, Soo noqo adoo nabad ah, Xarag sugaha indhahayga, Nuurka ii siyaadshoo, Sidriga iyo maanka, Qalbiga kii i sifeeyoo, Sidaan kugu illaawaa, Niyad sooman soo jeedda awgaa, Adiguun ku sugaysaan sasabayaa, Samo hadday ku weydana, Si ay noqonba mooyee, Anna waan ku sugayaa, Soo noqo adoo nabad ah,