Welcome to our album for Somali celebrities.
Sahra Axmed Jamac
Naf ku jecel adduunyada-
Baa u wacan wax nooloo-
Nabad lala wadaagoo-
Nimco lagula waaree-
Ma nugliye kalgacalkaa-
Naar iyo ka darran olol-
Markuu nudayga kaa galo-
Mabar weeye helisee-
Ee taa nafsiga geli-
Oo soo noqnoqoshada-
Ha iga moodin nacasnimo-
Anna haddii aan ku naawiley-
Naqba waa la dhowraa-
Nasiibku ha isku keen simo-
Anna haddii aan ku naawilay-
Naqba waa la dhawraa-
Nasiib ha igu kaa simo-
Nacab iyo sokeeyaba-
Neeftaydu diiddoo-
Adna kayma roobliyo-
Dhul naruuro joogtaad-
Naxdin li''i ku huruddaa-
Nabsi dhawri mayside-
Ee taa nafsiga geli-
Oo soo noqnoqoshada-
Ha iga moodin nacasnimo-
Anna haddii aan ku naawiley-
Naqba waa la dhowraa-
Nasiibku ha isku keen simo-
Nacab iyo sokeeyaba-
Neeftaydu diidoo-
Ma nastoo jacayl baa-
Naxal iga samaystee-
Ee taa nafsiga geli-
Oo soo noqnoqoshada-
Ha iga moodin nacasnimo-
Anna haddii aan ku naawiley-
Naqba waa la dhowraa-
Nasiibku ha isku keen simo.