Make your own free website on Tripod.com
Abwaano,Fanaaniin iyo dhamaan reer faneedka ugu caansan.
Abwaano,Fanaaniin iyo dhamaan reer faneedka ugu caansan.
Welcome to our album for Somali celebrities.
Cabdi Adan Xaad (Abdi Qeys)
Cabdi Adan Xaad (Abdi Qeys) 
 
Cosob iyo dhul baadloo, Geed caws ku caan oo, Iyo dhira caleemeed, Sadexdu is cidhiidhsheen, Oo darar cawaysimay , Kaga hooray cidhifyada, Qoraxduna cadaysoo, Casaan gaaban ay tahay, Oo camalka doogada, Dhulku midab cagaar yahay, Curubtii magooshiyo, Lagu mood tin iyo cidhib, Falaadhaha cadceede, Ilaahay nin caasi ah, Yaanu cududa kuu galin, Ilaahay mid cadho badan,Yaanu cidhifka kuu sudhin, Midaan caashaq kuu noqon, Yaanu calaf ba kuu galin, Noloshaadu caarcaar, Yaay cidhib xumaan noqon, Timaheedu waa culay, Camal saynata gari loo,Caaro looga duwin faras, Caynadeeda guud ke, Cadaan haw badnaatee, Indhaheedu waa cawl, Cidhifkana madooboo, Nuur lagu cidaadshe,Curdin weeye uguboo, Oon seed ku celisiyo, lafa culus lahaynoo, Cunaha kuu maraysoo, Caydhin yahay jidhkeedu ye, Ilaahay nin caasi ah, Yaanu cududa kuu galin, Ilaahay mid cadho badan, Yaanu cidhifka kuu sudhin, Midaan caashaq kuu noqon, Yaanu calaf ba kuu galin, Noloshaadu caarcaar, Yaay cidhib xumaan noqon.