Gudgudaa hillaaciyo--Geydha iyo fooraha--Xasan Ganey ladhkiisii -- Goljannaa ka dhalatoo--Galabta iyo sheekada -- Gorgor iyo Hargeysiyo--Geeskaannu joognaa.
Home        Gallery of Photos       Contact Us                                          

Xasan X C/laahi "Ganey"

Hees uu sameeyo waxaa ugu horaysay,heesta la yidhaa Caashaqu Shib Maygu riday oo ay qaaday Sacaada Alaale,, waxuu sameeyay sanadkii 1977 Riwaayadii la odhan jirar Dumistii Aqalkayga iyo Arooskii Inankayga, 1978 waxuu sameeyay Riwaayadii Galbeed waa la xoreeye Waarsaa Gaagixisay, iyadoo uu 1980 kii sameeyay riwaayadii la odhan jiray Bidaari Sibiq bay kugu Gashaa,1983 kii waxuu sameeyay Riwaayadii Masiibadu Aduunyada iyadaa u Macalin ah,1988 kiina waxuu alifay riwaayadii lagu magacaabi jiray Doojiya,waxaa ugu dambeeyay Riwaayad uu sameeyo Dhaqankeena iyo Dhalinta Casriga, taas oo aan lagu soo bandhigin tiyaatar ee uu hayo iyadoo cajalad ah” iyo weliba riwaayado kale oo ay magacyadoodii iga maqanyihiin. Intaas waxaa u sii dheer abwaanka Heeso badan,Gabayo waxaanu ku caanyahay jilista ama hab masraxeedka riyaawadaha.

Abwaan Xasan Xaaji C/laahi Xasan Ganey, mar la weydiiyay wuxuu sheegay in fanaanka uu ugu jacel yahay uu yahay Axmed Nuur Jaangoo, waxaanu yidhi "Axmed Nuur Jaango waxaa uu codka u sameeyay heestii ugu horaysay ee aan sameeyay iyo heeso badan oo aan leeyahay".
Abwaan Xasan Xaaji C/Laahi waxaad ku xusuusan kartaa heesihiisa sida, Sayla “Sayla oo Guyaal badan” waxaana ku luuqeeya Fanaanka weyn ee Xasan Aadan Samatar iyo Fanaanada wayn ee Caanka ah Sahra Ahmed Jaamac,mar uu ka sheekeeyay heestaa oo ay Reer Sanaag ku qabsadeen waxaa uu sheegay inuu xaal ka bixiyay oo uu tiriyay Maanso taas uu ku dabaqayo,lakiin waxaa uu xusay in cabashadu ay hadana soo noq-noqon jirtay taas oo ay Reer sanaag ka biyo diideen baydka ah “beel Sanaag iyo ku surmiday saraar godan saadaalinaysoo bal halkuu kusimo iyo sugayaan inuu helo.....”.laakiin Abwaanku waxaa uu sheegay in uu u jeeday Roobka oo guga ka curta dhinaca Galbeed,dayrtana ka curata dhinaca Bari ay suugaantiisu ku qotontay taas iyada ah. Xasan oo ka waramayaa dhegeyso.

Waxa kale oo aan doonayaa inaan ku xuso Abwaan Xasan Ganey,Gabeygiisii caanka ahaa ee ka tiriyay Gorgorkii xaafadayada riyaha ku raaci jiray waa Goljano,Hargeysa.
Maansada yaabka leh ee Gorgor oo ku xidhiidh sanayd sheeko dhab ah oo ka dhacday Magaalada Hargeysa-xaafada Goljano,taas oo ahayd Caruur agoon ah iyo hooyadood Riyo ay lahaayeen waxaa ilaalin jiray Gorgor,meel uu ka yimid aan la garanayn kaas oo uu Abwaanku sheegay in maalin maalmaha ka mid ah ay riyaha caruurtaasi u dhaceen Beer,ka dibna ninkii beerta lahaa oo xaraystay riyihii,isla markaana uu gorgorkii dhirbaaxo dhabanada kala dhacay ninkii oo uu ka soo xoreeyay Riyahii,Gorgorkaasi waxaa uu dhirta ay gaadhi waayaan u googoyn jiray riyaha,waxaanu ku maydhan jiray biyo saxni ku jira,subaxiina markay tahay shanta subaxnimo ayuu ku soo wareegi jiray Hargeysa oo dhan,Gorgorkaas oo ay dadka qaar yidhaahdeen waa caruurta aabahood oo weli ahaa,qaarna si kale ku sheegeen, ayuu Xasan cagihiisa ugu tagay si,uu u hubiyo markuu dhagihiisa ka batay oo ay dadkoo dhan isla dhex marayaan,markuu arkay siduu u dhaqmayo Gorgorku ayuu tiriyay Maansada Gorgor ,laakiin ujeedada maansadu waxay xambaarsantahay hadaf ka weyn Gorgorka. wuxuu yidhi

Gorgor

Googgaa wax muuqdow-- Gocashoy dheh cigalle
Maalmahanba guuxiyo-- Gaagaabsi baa jiray
Waxad maanka gada iyo-- Garashoy ma muranteen
Maalmihii gudbaayow-- Ma idinkaa gabaabsiyey
Gow iyo ma hurin baa-- Malaa waa guduutiyo
Gabbal dumayba muu harin-- Ma gilgilay guntiinnii
Xaajadu gondo xumaa-- Ma adduun-geddoon baa?
Mise waa geddeedoo-- Iyadaa galgalatee
Guul baa uraysoo-- Nasri geeddiyaa yimi
Gashigeedu yaab lehe-- Godol iyo ma qooq baa?

Saadaashu meel godan-- Ha inoogu gorortee
Iyadaa gendaal dhalan-- Guntayoo haddana furay
Gorgor yimi Hargaysiyo-- Geney weeye faalladu
Gacan-qaadna wuu dhacay-- Marka hore warkii guud
Inaad laba gu' iyo dayr-- Gobolkani waqooyiga
Geestiisa bidixee-- Goljanno aad ku noolayd
Na soo gaadhay sheekadu-- Marka xiga warkii gaar
Fulayahow gabbanayaa--- Ma geyaan cadkaagee
Isgalluubintaadaa--- Gibil kuu xanuunoo
Waa qaran abaal gala--- Inaad gudeyso mooyaan
Marka xigana gacalnimo-- Maalmahanba gaaridu
Gogoshaa xariirta ah--- Aday kuu guraysoo
Gaashaandhiggeedaa--- Kuu gaardiyaayoo
Gabdhihii mashxaraddaa--- Gaar kuu sugaayoo
Gurboodkiyo carruurtaa-- Ubax wada guduutiyo
Giraan kuu ruxaayoo--- Garabsaar rag weeyoo
Gole aad ku hirataa---Guddi loo xilsaaroo
Marti goor xun kuu timid--- Gabbaan laguma sooro'e
Wanan bari gurguurtiyo-- Goolal baa la qalay oo
Mirihiyo garoor baa--- Kuu suran gedaankoo
Waa gole macsuum ahe--- Kaa guddoomoo waa kane

Guntayoo haddana furay-- Gaajadii ku haysaan
U gaalgaalay hadalkee-- Kol hadduu raggu isgalo
Gar ma kala dhaqaaqee-- Maradii gondaha tiil
Waxaan geeyey lowgee-- Adiguna guntiga xiro
Ninka loo ged baxayow-- Adiguna ha gooddiyin
Fardo goonni haysiyo-- Gacamays hirdiyayoo
Leexays galaashoo--- Tiix gabano wada iyo
Yaxne geed ku naban iyo--- Gowdyahan gufaaciyo
Galaa foolanaayee--- Iska giiji shaqallada

Gorgoryahow lugteenuna--- Hal gariirtay maahee
Gudcur raacda socotiyo--- Waa guura-bahallayn
Dhulku waa gabaahiir--- Giiriyaanna wuu u haray
Weli guurku waa bixid--- Giddi habar-dugaag baa
Goonyaha ka ciyayoo--- Mas gurguuranaayiyo
Good baa shanqadhayee---- Wadnuhu yaanu galaw oran
Nafta gaajo yay qaban--- Gowdiidsi kolay tahay
Gama' iyo hurdana DAA!--- Nabarkaa gunaadka ah
Ceecaha ku gaaxdiyo--- Eel gudaha jiifiyo
Laxowgaa garaaca ah---- Halkuu GOW ka leeyahay
Dhibka jeeroo laga guro--- Gaaroodin maynee
Ha loo geliyo dambaskuun.
Guntayoo haddana furay

Gorgor dayoo dirkaagii---- Haad guudka lala iyo
Mid geed fuushan mooyee--- Awowgaaba muu gelin
Gurigan aad u hoyatee--- Maxaad uga gol-leedahay?
Gorgor xoolo raacaa--- Geyiguu u kowyee
Ri'da geeska waynee--- Siday tahay gammaan faras
Guudka aad ka fuushaa--- Waadigan gargoortiyo
Geedaha ugbaadka ah--- Afka ugu guraayee
Guunyada ka sheenee--- Ganankiyo halgaaddada
Ku soo gedlanaayee--- Ma gantaal jacayl baa
Kaa gaadhay halistoo--- Halkuu kaaga ganay baad
Gaaddada ku haysaa?-- Su'aalihii gun iyo baar
Anigoo gunaanaday--- Gorgoryahow ku soo durug
Gedbax oo i deeqsii.

Gorgorkiina wuxuu yiri-- Marka hore abaalgudid
Qarankiinu waa gobe-- Waxaad iiga geysaa
Mahad aan gaboobayn-- Marka xigana Geneyow
Aqoontaadii gabaydaye-- Shaxdaan geedka taallee
Goob iyo barbaarkii--- Way kaa gunwayntee
Garashada cilmi u doon-- Sirta Gaarriye u dhiib
Gudbantii Hadraawiyo--- Gees Cali ha loo dego
Gaarsii raggeedii.

Heesaha Xasan ku farayaraystan waxaa ka mida:-

Caashaqa Ha Baayicin -------Magool & Xasan Adan   

 Haruub Caashaq --------------Kuluc & Qamar Harawo

Faraskaagi Laga Badi -------Baacalwaan & Sahra Axmed

Gaashaanka Ha ii Qaban-------Khadra Daahir & Cigaal

Saxansoxo (sayloo guyaal..)------Samatar & Sahra Axmed

Nabadgalyo ---------------------Baacalwaan & Sahra Axmed



Abwaan Xasan Ganey iyo Habeenka Xusuusta Mudan

 

 

Fiidmeereey waa aroor!

Xasan Xaaji Cabdillaahi "Xasan-Ganey", waxayna soo baxday sanadkii 1980kii. wuxuu yidhi:-

Marbuu foolxumo ka koray-Allaha faxanbaa asturay
Sadana muu fahamsanayn-Firuu duubkii la tegay.
Fas dahabuu dhigay khamaar-Farsamo aan aadmi tubin.
Fahdii baa lagaga helay-Fursadda walqasheediyo. Fiduhu may kala dambeyn-Halkaa lagu faataxee.
Markuu faashluhu khaldamay-Inuu fidhmay muu ogaan.
Ninkii finjiriir ma kicin-Fuulfuul waa caadadii Halkiibuu fooraraa-Raqdii buu fadhanayaa.
Firaaqana wuxuu u helay-Ammaan uu faalalsaday.
…………………..
Qabiilkuu faafiyaa-Fadqaladuu daajiyaa.
Naxliga faxalbuu ku yahay-Macsina wuu wada fatahay.
Faquuqbaa lala tashaday-Finkaa baanaa la yidhi.
Fiixdaa saarbaa la yidhi-Fidmada daa baa la yidhi
fadhoocigu diid garta ee-Bartii fiintuu ka riday
Xaquu faraciisa jaray-Fankii qarankuu lunsaday.
Dhaqaalihii baa fakhriyay-Dulmaa food isla galay
La,aanbaa timi firkada-Dadkoo gaajo u findigay.
Halkaa faqash wuxuu ka yidhi-Faa’iidaan taaganahay.
Walwaal faantuu wadaa-Fud weynbuu riixayaa.
Buur dheerbuu fananayaa-Gadaal ula faagashada Cabbaar wuu firix dhabtee-Fig baastaa durugsanayd.
Halkaa faqash waxa kaga dhacay-Wixii faraqa ugu jiray.
Marku faashluhu khaldamo- Ibleyskuna fidhiqtankiyo
Falaadkiyo gubashadiyo-Fajaasada wuu yaqaan.
Fuluhu boogtiisii arag -Dambiga meel kale ku fiiq.
Fadhigii wuxuu yidhi ka kacay -Hayeeshee faaraxaw.
Falaadhu gilgilashadii-Fircoon may kaga gu’inee. Foocaarbaa soo shalwaday-Fooruhu wuxuu sidayba keen.
Fagaarana way ahayd -Finigina wey jirtaa.
Faqbaa hoos loogu yidhi-Fiintaa roob kaa taqaan.
Hortaabay foodhyi lahayd-Fidhada caalwaagu wado
Miyaa lagu faanayaa-Fadkee lagu guulayaa
Filkii mo’og waalanaa-Miyuu fooldhaqan yaqaan.
Faqbaa hoos loogu yidhi-Fuqii been sheegaayay
Faruuryuhu balaqsan yihiin-Faqbaa hoos loogu yidhi.
Riduu orgi foofiyuu-Fuuleed ugu yidhi hadhkii.
Anaa kagu filanee daaq-Baqana fiidkii lahaa.
Halkeen kuula firdhadaa-Faciisii hebel miyaa ?! Magaankuu fuushanaa-Inuu fagal gaabis yahay.
Markuu fiirsaday gondaha-Dabayl fowfow lehiyo.
Maxaa falanfooli timi-
Fur iyo boorbaa ku go’an. Faqbaa hoos loogu yidhi Maxaa ceeb feedhatoo. Timaha sino loogu furay. Shinkeeda u foolatayee. Fadeexad ninkii kufsaday.Maruun filanwaa ku yimi. Fadaro uurkii ku nacay. Fajaciisaa lala irmacayaa. Fuushadu inay duli lahayd. Haddaan laga sii fekerin. Fufkuna caal barar layimi. Farakha Aabbaa dhalayee.
Maxaa loo fiigayaa. Fiidmeereey waa aroor.
Maxaa boog fadhida neceb. Gacmaa lagu fiiqayaa.
Fiidmeereey waa aroor Maxay habar fooxisiyo Faal been kuu sheegayaan. Fiidmeereey waa aroor.
Maxaa fiqi saahidiyo. Intii faral iyo sunneba.
Sujuud ugu foorartaa. Ilaahbaa ferej baxshee
Baryada samada u furan. Maqbuullada laga fasaxo
Far iyo suul lagugu qaad. Habaar kuusoo faraa
Fiidmeereey waa aroor. Maxaa foojiganayaal.
Guushooda u fooganiyo. Bulshada faydane ku jira.

Muxuu foogada bannaan.Fidaa’igu eegayaa.
Sidii loo fulin lahaaba. Maxay falanqaynayaan.
Fiidmeereey waa aroor. Maxaa hanad fiicaniyo. Farshaxan suugaan tirshiyo. Fashiistooy Aabbahaa
Waagii fool saa la yidhi. Gumaystihii wada firxaday.
Wixii ferenji iska tagay. Kolay Faransiis ku tahay
Haweenkii ficiltamee. Kurtood fayga u jariyo.
Farriidkuna taahayaan. Shantaa dheh fadhiisinkii
Markuu fasalku is bedellay. Faqii waa laga koree.
Ka fool waxa loogu yidhi. Ninkii fiitada lahaa.
Adduunyadu filin ahaa. Ninkay farxadda u listee. Markuu dhamo falanfalxada. Ayaamo faxaaxsadaa.
Inuu fajac iyo dhibiyo. Xumaan ka finaaqi karo.
Ma fahamsane waa ma jire. Ka fool waxa loogu yidhi
felegga kugu yuururiyo. Waqtigu kugu faadhumee
Waayuhu kugu fidi lugaha. Waxaadan fileynin iyo
Falaadhiba waa naxdinee. Taladu way foolxun tehee.
Miyaan fidhi kugu go’nayn. Ka fool waxa loogu yidhi
Hadday foojigo wax tari. Sowtii Faacuul la dilay!
Sidii Faraw iyo ugaadh. Raggii fadalkaaga guray. Faagaray kugu qabteen. Faalgureyana wey sitaan
Bankuna food saaro ma leh. Furuqa oofaha degiyo.
Fantana adigaa qarsaday. Muxuu foodhyaamayaa.
Fogaa meel laga qufacay. Faraa kaa yaal jannada.
Ninkii Faqatiir ahaa . Furaashkiisii ku olol.
Waakaa doobbigii fatahay. Dukhsaa fuud kulul ku dhacay.
Dhamaan ficiliyo dhacdana. Kolay tahay firi hadhuudh.
Findhicil qudhi kama maqnee. Faafreebkaygu jiraa. Maxkamaddii waa la furay. Fircoonbay saarayaan
Fayl weynbay daba sitaan. Ciyaal way foodhyayaan.
Wadani wuu faraxsan yahay. Dadkuu wada feentaye
Dhiiggiisii fuuqdasiyo. Fiqiirkuna waa mudici
Falag-guna marag u noqoy. Fuulfuul waxay leeyihiin.
Faduul iyo waa Berbera. Faduushii geysay waayee.
Naftaada adaa falayee. Sideed u furdaamin kari. Maxaa Faqash helay wacdaro


Mohamoud Abdi Shideh through the eyes of the Poet by Rhoda A. Rageh

Hassan H. Abdullahi (Xasan Ganay) is a brilliant bard equal only to Shakespeare in eloquence and
natural gift. He is equal only to Milton in his use of oxymoron and surpasses the sensitivity of
Wordsworth. His superior intelligence enables him to draw from a vast reservoir of vocabulary,
which is why his poetry touches the deepest feelings of humanity. His precise expression does not
boast the gift of western education. He does not dwell on his knowledge of Greek and Latin nor
draws from genres and conventions of ancient role models; rather he relies only on the basin of
God given natural talent. He does not write or read. Therefore, his beautiful expression needs
to be preserved for the longevity of the Somali language and cultivation of culture as well as
to reserve his rightful place in history. A poet of his kind should not be forgotten. His western
counterparts rest on their laurels as poet laureate. He is a Somali poet and like many before him,
his poetry will be remembered only in fragments, which without his sensitivity will be rendered mere
utterances unless something is done now. He is not only a Poet; he is also a Play-write who has
written plays about every moment of our recent history. I have discovered the Poet few years ago
quite by accident when in a stretch of boredom, I straightened a discarded, creased paper. Although
the occasion of the poem I am about to discuss is sad, my encounter with the Poet was pleasurable
and has since exhilarated my aesthetic sensibilities.
The Poet eulogizes a mortal whose service he has hallowed. The name of the poem is Garab Daar. His
strong intuition observes and enshrines the intuition of the deceased who he describes as one who
had cultivated intuition through fine observation. Intuitive feelings and keen observation are as
entangled here as the feelings of the poet and deceased. I divided the poem into stanza and in my
own observation will try to point out the turns in the poem. The first stanza captures the Poet's
sense of disbelief on the demise of his friend thus still keeps him alive at least in deed.
Godka Hanadkii lagu riday Gurmadkiisi Aaskiyo
Gogoshii Tacsiyihiyo Gabayda Baroorta ah
Rag Intay gundhinayeen, Gurigayga kama bixin.
Mana gabin halkaygee, Waxaa aan la gaabshee,
Gadaal ii ridaa jirey, Geeddigaasi waa kow
Guuraaoo hadana raray Goashiyo iyo xasuus ba leh.
The Poet's physical absence from the services and wakes of the deceased is juxtaposed with his
powerful feelings of loss. While some focus on the mundane rituals mourning the deceased; the Poet
withdraws into himself and searches for his own sense of loss. Therefore, his absence is a presence
in which he immortalizes the man in the grave. While some dig deep into the earth to hide his corpse,
the Poet digs deep into his memory and brings out the immortal soul. The first stanza ends with a
refrain by which the poet makes many turns. Memory embraces joyful past with painful present.
He recollects the dark days of Siad Barre and their mission together.
Gulufkiyo colaadii Innagiyo gumaystii,
Gobanimo u dirirkii Raggii guuro bahallaha,
Gaadmiyo badheedhkaba U guntaday dalkoodiyo,
Inta goalka dhalisiyo, Gaashaan biruu haa
Gocoshaiyo xasuusba leh

The Poet leaves his feeling unattended like the hanging refrain that runs through the poem;
hence epitomizes the loss of his friend and the loneliness of his feelings. The deceased national
hero was a shield (one of many metaphors to characterize him) in the battle against Siad Barre.
Characterization which continue to intensify in the following lines serves both as a tribute to
his friend's courage and chides the temerity of his rivals.
Wuxu gaadh ka hayn jirey, Danta Guud xilkeedoo.
Waligii nin Guurtiya Gaf wuxuu ku raacaa
Iyo wuu gardaran yahay Guubaabideediyo,
Baaqiyo Guhaadiyo In la geeddi geliyiyo
Hadba geesta dhawrta leh, In uu gudin u daabiyo
In uu dhacan u gooyee, Gocor iyo Rifaa jira
Raadkiisa gurayoo, Garbo la hadhsanaayiyo,
Gebi baa dullamoo, Waxa dhacay gunweyniyo
Geedkii xabriireed. Geesaaska fiintiyo
Guumaysta taahdiyo Galowga iyo xiidkii
Waxay giida la hayeen Danab lagu goblamayoo
Galbaday ogaadeen Garabkii dugsoona .
Gabayoox lal badaniyo Gabadanaa ka socotee
Goobtii qaboobaa!! Markaan gudub jaleecaba
Galiilyaa I qabatee, Geeridu xumaydee.
Goblan talo aduunyooy Mrkuu geesi hoydaba
Garshaaa u oydee Siduu gabaygi Cali yidhi,
Waxan ahay geddiisee, Intuu gooni u laha
Farta waxa ku godi jiray Inta gowska xeershiyo,
Gurtan raaca liitee, Wuxu gudiyo Moxamuud
Wuxuu galay intii ogi Gocoshiyo xusuusba leh.
Endless metaphors cataloguing the brave qualities of the deceased confronting the fear of the
cowardly bring the despondence of the Poet into a climax and culminate into blasphemy---disbelief
in his own mortality. The name of the deceased is first mentioned here among many testaments to
his personal integrity and his untarnished accomplishments. In a comparison between him and his
opponents, Mohamoud's giant strides distance him from folly. He was a nationalist whose only purpose
to serve his country was unequaled. In this sense, the soldier friend laments a partner.
The Poet is the sole witness to the valor and knightly values of his compatriot.
Gebigeed adduunyada Afarteeda geesood,
Waxa geedan lagu yahay ama laysku gaasiray,
Geeraar ka libintiyo, Gumaaradu haadeer tahay,
Waa geedda saarka leh, Garoonada ciyaaraha,
Gudaha iyo dibadaba Tiimkii Galaaskiyo
Soo hooyay guulaha Gadhwadeen hogaashoo,
Lagu gami jiruu haa. Goosh laga macaashiyo
Ganacsi uma jeedine Geyiguu la rabay magac
Gocoshiyo xusuusba leh
Mohamoud's oratory and power of persuasion and his fine intuition were combined with his courage.
His refine arbitration was always sought after and the delicate balance of his negotiation that have
often lead to peaceful resolve were sorely missed. He was a hero who never flinched from standing
by the truth.
Goob laysku xaadhiyo Gole doodu kulushoo,
Guul oomman lagu jiro Xaajaduna Gudubtoo,
Geel daaqsintii iyo, Tagtay buuro guudkood,
Waxaan doqni garanayn Fuluhuna ka gaabsaday,
Giir layska kiciyiyo, Ishoo laysku guba iyo,
Goolaaftankoodii inta Gaarka wax u raba,
Ina shide Galgalashiyo, inuu gorada roag iyo,
Muu aqoonin galowdee taladuu gedaankiyo,
Girgirkeeda hayn jirey, jeeruu guddoonkiyo,
guryo samo in lagu wado, Gocashiyo xusuusba leh

In the following lines, The Poet's reminisce of the generosity of his friend renders him as a
patron for the youth whose hospitality of unknown guests never burdened his soul. Many a time
circumstances prevented the happy union of young lovers, were overcome by him, or poor homes whose
inhabitants could not buy the bare necessities were nurtured by his kindness. He followed his
intuition to where need was most acute and indiscriminately provided. He was willfully generous.
Waxa guunyo caabuda, gudhanaha la caayee
Alla gacan furaayee Marti fiid gab soo tidhi
Subixiina kaa guday, Garriyow ma buuree,
Intuu laba is guursaday Isku jecel gar iyo waaq
Hayeeshee waqtigu gabay gabbashana ku kala jira
Gol-dalooladooiyo, goortuu xogtii helay,
Isagoon garnaba dayin nolosha u gardaadshuu
Maalimogaaban dabadood Galbiyaay la yidhiyee
Gaafkoodii laga tummay Rugtiina goolal lagu qalay
Gocoshiyo xasuusba leh
Intuu guri sabooloo, Gadan karin anfacadii,
Gurboodkuuu la koriyiyo hadban guuf ku tuuriyo
Gasiinkooda siin jirey Garab daarra ku lahaa
Galabba kuu ka madhan yahay Gocoshiyo xusuusba leh
Gaar ahaan barbaartuu Gashi inuu ka bixiyiyo
Badhuu dibadda geeiyo Shaqo lagu gufeeyaba
Gunna iyo ogaal iyo U gargaaridoodii
Gocoshiiyo xasusba leh
Goortii aad aragtaba Guutadii ku xeerrayd
Googooska sheekada Siduu uga godlinayiyo
Haasaawe gdobiyo Gujo iyo turxaan wadan
Siduu ugu gedbixi jiray Sheeddana ka garan jirey
Hadba kooda goolmoon Dadna ugu gudboonaa
Isagoo an kala gurin Gocoshiyo xasuusba leh
The death of a hero is felt only by the heroic. In these concluding lines, the Poet returns to God
by realizing his own mortality in this flitting world. He accelerates the pace and the stanza gets
shorter. Maybe his own transience sobers his sense of outrage at the beginning of the poem, which
is now tamed by the acceptance of his own mortality. Mohmaoud was a mortal whose good qualities like
him were transient. Yet, in a deserving salute, he addresses the deceased with a wonderful prayer
that resolves the tension.
Intaasoo gargaariyo Gobonimo u hiilkii
Gacaltooyadiisii Waxab yaanan gocanine
Haddii uu la gabax yidhi Maxamuud la galay iil,
Guulaa wedka u qoray Amba gibil dhaqaaqoo
Gilgishay damqaayee Seeftu way I guud taal.
Giddigood addoomuhu Waa geeri sugayaal
Geeddaana lagu yahay Guryihii runta ahaa
Een laga gaboobayn Galbintiis Aammiin
An ku soo gumeeyee Waxaan iga guddoontaa
Godku faala ku noqay Gogoshii Jannada iyo
Gudaheeda ku cawee Toddobaatan geeynyiyo
Gabdho xuural cayn ahi Kaa salaame gaaddada
Giddigii Islaamkaba Allhayow ha gayn naar.
Hassan Ganay's poetic image takes the reader through many years of the life of the deceased and in a
flashback takes account of his wonderful life that ends in the grave but which the Poet chooses to
resurrect by the poem itself. By eulogizing his friend, he keeps his memory alive and hops to
immortalize him. It is also wonderful to note how his own intuition tunes in with that of his
friend. It is a wonderful poem, which had taken me through a roller coaster of emotions.
The language is rich and full of poetic devices too long to discuss here. They are made more
attractive by the fact that he does not have access to the conventions accessible to a learned poet.
After all Poetry as Wordsworth advocated in 19th Century "is the distillation of powerful feeling."
PS
I would like to start a fund drive to enable Hassan Ganay publish all his work. For comments and
further inquiry, please write to
Rahmaa@yahoo.com
Rhoda A. Rageh

SHAKAAL

Waxay maansadani ka hadlaysaa dhibaatada ka taagan wadanka Somaliland. Waxa kale oo abwaanku maansadan ku sheegayaa sida loogu hungoobey hogaankii wadanka, waxa uu ka soo bilaabayaa heshiiskii ugu horreeyey ee wadanka ka dhaca qodobadii ku cadaa iyo sida loo garaban maray. Wuxuuna ku bilaabay maansadii sidatan:-

Adduunyadu sharaf lahayd-- Shillaa gobonimo u tiil
Maahmaah uu shaacir yidhi-- Ayaa sheegtoo tidhaah
Shallay dhaantaa la yidhi.


Maantana waa shanu dhammaad-- Shiiggii baa lagu jiraA
Shil waw aakhiru sabaan-- Shirqool baa lagu wadaa Dil baa lala shoocayaa-- Shaxdeeduna waa hungurI Qofka shillinkaa ka
weyn.

Shiishkuna wuxuu saaran yahay-- Shabaaxana looga tudhin.
Intaan shaabadi ku ooL-- Wanaagii shaarubaha
Shil madow baa loogu xidhay

Waxaan shuush iyo naciyo- Shidaadiyo xumaha ahayn
Shakaalkii baa u go’ay-- Beentii baa shaac baxdaye
Runtii way sheellan tahay-- Xaqii shalaw buu ka dhacay
Dulmaa shaaraca fadhiya-- Wanaagii shaarubaha
Shil madow baa loogu xidhay

Shublaha geel lagu daraa-- Gadaala shaf saaridiyo
Awrtoo loo dhibi shaxdiyo-- Ku sheegida wuu yaqaan
Cayuun shaashada ma dhallo-- Sheekada taa waxa la mida
Tanaan sheekheedi dhimman-- Ayey shiddi loo maxlaley
Shibbana waa laga rabaa-- Shirkana waxa loo diraa
Dareen shaasheeya iyo-- Intaan shawrkeeda geyin

Talada kii shubi og iyo-- Aqoontii laga shaxeex
Shicibka tii baa ku dhacay-- Shaydaan baa lagu darsaday
Askarta shaadhkii baa ku dhegey-- Shaqaalii wuu bakhtiyey
Shakina wuu kala dhexyaal-- Shan gooroo lagu adimo
cid baan wax u sheegi karin-- shibtiisuu galay wadani
Wanaagii shaarubaha-- Shil madow baa loogu xidhay

Nimaa naan weli shirabin-- Qorkiyo shilintana ka gurin
Sheedaanu ka caashaqnaa-- Cishaba kay ku shukriyaan
Bulshadu shuun shuubiyaan Ninkay sharafta huwiyaan
Ayaa shaladooda gala-- Shaabuug iyo naddi la dhaca

Shib goortay naga dhigaan-- Shadaafaha noo rogaan
Maatadu shiig shalaqsadaan-- Shaashaan garashadu hirdido
Ayaanu sharaysanaa-- Shillalka iyagays dhigee
Dushana reer uga tali-- Wanaagii shaarubaha
Shil madow baa loogu xidhay.

Shabeelna adhiga tir-- Intaw u shilis bay cunaan
Waxay kala shiilayaan-- Waxay kala shubanayaan
Qofkii shaahid u arka-- Sharaarada qofkii lehee
Wankii ina Shoobcas teba-- Ayaa shiid loo gurtaa

Sheelada waxa laga qalaa-- Shakhsi aanu ku ool
Sheeduhu bari bay xigaan-- Shiraaqlena waa galbeed
Shacabku wuu naga fogyee-- Shaashaan baa nooga dhow
Shishaa laga heesayaa.

Hadduu miiraalo shubo-- Habeen laydh shabaxtamaa
Ashuunka ma buuxiyee-- Shuuxaanu ka dhaansanaa

Shinnaan malabkii samayn-- Libaaxii shaashkii male
Shuuqshuuqle intii ka weyn-- Wanaagii shaarubaha
Shil madow baa loogu xidhay

Taariikhdu shed lagu dhigiyo-- Malaha sumad lagu sharaxo
Intii qorax shaabisiyo-- Shinkiisa hebeen tirsaday
Shaac iyo madoobe isbedelay-- Wixii dhacay shar iyo kheyr
Intaan shaahid u ahaa-- Shamsadan aan joogna iyo
Haddaan shalay kuugu simo-- Ma jiro shay noo qornaa

Sheekadu inay tahay sidaa-- Jibuhu nimankuu la tegey
Wadnaha shaandhada ka dhigay-- Shanshada dhuuxleh iyo
Lafihii qaarkood shuxaan-- Kuwaa shilixyada ka jaban
Haddaan shidhidi layn-- Shihiid maaha la yidhi
Shisheeyana nagama dilin-- Shil helayna maa naan ogeyn
Wanaagii shaarubaha-- Shil madow baa loogu xidhay

Siyaasadka shoodhadka ah-- Shirqool bay nagu hayaan
Shibiro laayey sitaan -- Waxbay shaadh-gaamiyaan
Markay na shaxaadayaan-- Markay na shidho doonayaan
Jareerada furi ogaa-- Inay shiriyaan qabiil
Habraa shaadh loo tolaa-- Dadkii shuguxshuguda iyo
Ka diday daasadaha shaqadhay-- Markay shebega u galaan
Shebedo qurux xaadhayiyo-- Shabaabtaanu u qalnaa
Irmaanta shareeranay- Shiidaale wuxuu hantiyey
Shaxdiisa intaan aqoon- Shuraakana way noqdeen
Shariiryana waa la baray- Dhaaaxay shurunbaaxiyaan

Midnimo shaadh uma rogmee- Shafeerkuna waa qabiil
Shukaanta la yuurursaday- Gaadhigu kiiyoo shixmadan
Dhawr goor uu Shiikh ka dhacay- Intii shidhka kula jirtiyo
Shadaadiintaa ka baxay- Wanaagii shaarubaha
Shil madow baa loogu xidhay

Shiidaalka ka qaadashada- Shuruudeenii ahayd
Kitaabkaynoo sharciya- Shuhuud loo wada ahaa
Markay sheegeen dibnuhu- Shinaalka la raaciyaa
Shinbiri ku galgalatayaa

Haddana shiiroo bulshada- Marka shiikhu adimo
Shantaba soo buuxiyaan- Masjidyada wada shamiran
Jimcahana shalaadayaan- Shareecada diinta iyo
Waxay ka sharaabayaan- Maxda Shaaficiya ee adag
Ayaan shaalay idhaa

Xukuumada shiiqisiyo- Sidday shicibku u dhaqmaan
Markaan sheedaariyana- Intii shamac caabudiyo
Malaha Shuucawga dhaw- Anaa shawroo idhaa
Dadkeenaa wada shabaha- Labada shey een isgeyin
Halkaa shaashiyo u daa- Dadkaa shiqiga u maxlalan

Shakaa noo dheer intaa- Shuxshuxu naguma yaree
Ninkaan geenyada shakiran- Darmaantii shaaxilnayd
Shalmada iyo koorihiyo- Maqaabada shagax dhabtiyo
Intii shaxshax lagu hubiyo- Shakamadaba loogu xidhay
Shirweyne gumoodadii- Xakama sheedsheediyo
Shakaal dadban buu sitaa- Shedtaasuun buu hayaa
Ma yare shaquu hayaa
Mar wuu sharaxaamayaa- Intuu shaaraca u baxay
Adduunkaa shaadir iyo- Illaah shaal noogu wadhay
Shaaheenii wuu karee - Shifeystaa laga hayaa

Mar shaac buu yahay bestii- Sidii yoo shoog qabsaday
Shuftiyo waxa tihiin go’doon- Shesheeyihii wada naceen
Shiddo laáan buu u yidhi- Wuxuu shoocaaliyaba
Warkii sheelnaa caddaa- Shakaahaa noo waramay
Shibbanahaa lagu mergeday- Shafkaa wax na taagan yiin
Waxa aan la sheegi karin - Labada shaqal kii la yahay



Copyright© 2005.Goljanotoday.tripod.com.all rights reserved.