Abwaano,Fanaaniin iyo dhamaan reer faneedka ugu caansan.
Abwaano,Fanaaniin iyo dhamaan reer faneedka ugu caansan.
Welcome to our album for Somali celebrities.
« previous | next »
Axamed Ali Dararamle
Axamed Ali Dararamle 
 
Midab aan cadaan iyo- cawlaan ahayn oo - daymadaa cajabiyoo- lagu caajisayn iyo- waxaad tahay mas ciideed- wali waa caruuroo- waa laan curdina oo- waxa loo carbinayaa- sida fras colaadiyo- sange loo cugtamayee- cir habeeno da'ay oo- doog iyo caleen ba leh- ama rays cagaaroo- ciiradu ka duushiyo- cosobkay la midab tee- wali waa caruur oo- waa laan curdina oo- waxa loo carbinayaa- sida faras colaad iyo- sange loo cugtamayee- cambaruudka naasaha- caaradaa madow iyo- luquntaa cabaadhka le- iyo cududaheediyo- kubabkaa is celiyee- wali wa caruur oo- waa laan curdina oo- waxa loo carbinayaa- sida faras colaad iyo- sange loo cugtamayee- Sunayaal carceere- cidhifka isla gaadhiyo- indha cawl la moodoo- caashaqa abuuraa- igu beeray cudurkee- wali waa caruuroo- waa laan curdina oo- waxa loo carbinayaa- sida faras colaadiyo- sange loo cugtamaye.