Abwaano,Fanaaniin iyo dhamaan reer faneedka ugu caansan.
Abwaano,Fanaaniin iyo dhamaan reer faneedka ugu caansan.
Welcome to our album for Somali celebrities.
Maxamed Warsame Hadraawi
Maxamed Warsame Hadraawi 
 
Nin dalleensi lagu cunay, Haddaan guuto loo dilin, Dakharkiiba toban noqon, Nin kastoo dun iga qaba, Haddaan daab-cad lala dhicin, Jannnada durduurta ah, Haddaan daadku soo qubin, Aqalada derbiga dheer, Haddaan daaqad laga gelin, Ninka dabin ka boodka ah, Haddaan diirad lagu helin, Haddaan duubka gogoshiyo, Lagu dhuuman dalowyada, Haddaan shaashka derejada, Dallacaada laga nixin, Dal Allay u kibirtee, Haddaan iilka lagu degin, Haddaan meydku duurkiyo, Derrimaha ka fara badan, Sanqadhaa dabayshiyo, Haddaan fiinta laga didin, Fadhigay ku daaqdee, Haddaan soodhku dalandalin, Halka doobi lala maro, Haddaan raacdo daba gurin, Dacfalaanka mahaddiyo, Dardarsiga barwaaqada, Iyo doosha subbaga leh, Haddaan laysu dacarayn, Inta daran intaw daran, Haddan duulal lagu falin, Haddaan deebta gumuciyo, Lagu guban dabkaan shido, Duhur laysla wada jiro, Haddaan guusha lay deyn, Alley-lehe docdaydii, Ha Goblamo dad weynuhu.