Abwaano,Fanaaniin iyo dhamaan reer faneedka ugu caansan.
Abwaano,Fanaaniin iyo dhamaan reer faneedka ugu caansan.
Welcome to our album for Somali celebrities.
Xasan X. C/laahi 'Ganey
Xasan X. C/laahi 'Ganey" 
 
"Sidii daacuflaha aar, Ragii duudda mari jiray, Raggii diinka qalan jiray, Marna daafida u cunay, Marna doonbir dhacarsaday,Dabra weerar culus iyo, Duullaan laxaad lehba, Wiilashii durqumi jiray, Daba laabka kaaraha, Danabyadii ku furan jiray. Ama dibadda ka halgamay, Ama dayn ku fara baxay. Ama dirirta gudihii, Si udadan ufulin jiray. Dahan iyo mid diin qalay, Ama duubiyada jaban, Dar alliyo daraadood, Raggii deeqda lagu helay, Iyo dubbuhuu asaagaa, Sidii dameero baadiya, Damtaa kaaga saaray, Iyo birtaa adiga lagu daray, Dooraalayaashii, Damiirkooga hoogiyo, Damacoogu fari jiray, Dallacaad aad ku heshidee, Deriskaaga qaar iyo, Dar dar kaad isu xigtaan, Labadaa aad dihatee, Ninba doorkuu kulahaa, Taariikhda daabacan, Diiwaan xusuus qor ah, Uma lihid dadweynoow !"